Shil Naxdinle Laba Qof Oo Isku Qoys Ah Oo Ku Geeriyooday Ceel Ay Qodayeen Tuulada Uudaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil Naxdinle Laba Qof Oo Isku Qoys Ah Oo Ku Geeriyooday Ceel Ay Qodayeen Tuulada Uudaan
March 23, 2015 - Written by Editor:

Laba qof Oo ku Geeriyooday Ceel Ay Codayeen oo Ku Dumay Tuuladda Uudaan Ee Gobolka Maroodijeex

Hargeysa (wajaalenews) Alle ha unaxariistee Laba nin ayaa geeriyooday kadib markii uu dumay ceel ay qodayeen sida eheladoodu u xaqiijiyeen SHABAKADA WAJAALENEWS sheegayna in dhacdadani ka dhacday  tuulada uudaan, ee dhinaca waqooyi bari ka xigta degmada Arabsiyo. Alle hawnaxariistee Labada marxuum ee geeriyooday ayaa magacyadooda la odhan jiray Salebaan ciise xasan iyo Mawliid cabdi ciise. Mid ka mida ah Ehelada labadda nin ee u geeriyoday ceel ka ku dumay,

caaqil Muuse ciise oo khadka telifoonka noogu waramay geerida naxdinta leh eek u timid labada marxuum, islamarkaana sheegay in labada marxuum hal qoys ka soo wada-jeeden adeerna isku ahaayeen

. Caaqilka Muuse ciise waxana uu intaasi ku daray in labada nin ee geeriyooday maydkoodii laga soo saaray ceelkii ku dumay abaaro 5 galabnimo balse ilaa hadda aan la aasin Hargeysa

 

COMMENTS
LINKS