Sheeko Gaaban: “Hilibkani Xalaal Idiin Ma Aha”… W/Q: Maxamed Somali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheeko Gaaban: “Hilibkani Xalaal Idiin Ma Aha”… W/Q: Maxamed Somali
March 21, 2015 - Written by Editor:

MAXAMED SOMALI
Beri ayaa waxaa deris ahaa laba reer oo midi uu faqiir ahaa ka kalena uu dabaqadda nolosha meel dhexe kaga jiray, Canab waa hooyo haysata 6 caruur ah oo agoon ah, oo aan lahayn cid iyo ciirsiba xagga aduunyada.

noloshooda aduunyo waxay ka heli jireen hadba ciddii ilaahay wax ugu soo dhiibo, balse kumay hagar bixi jirin. Mar way qadi jireen iyagoon haddana laga garanayn lagana dareemayn baahida intaa leeg. Caruurta waxaa ugu yar ka 3 jirka ah, waxaa ugu wayn inanta 8 jirka ah. Qoyska canab waxaa ladaris ahaa oo ay oodu u dhaxaysay waris oo u dhaxday oday jaamac.waris waxay dihatay laba caruur ah, rooda

iyo axmed, waris iyo canab waxay ahaayeen saaxiibo isku dheer, waris aadbay uga war haynjirtay xaaladda qoyska saaxiibadeed canab, waxay biilka oday jaamac keeno saddex meeloodow meel siin jirtay qoyska canab. raashinka bisayl iyo qaydhin kamay hagran jirin. balse oday jaamac marnaba raali kamuu ahayn ficilladaa waris. Waris way ka qarin jirtay jamac, waris waxay xanuunsatay maamlmo, kadib maalin maalmahaa kamid ah waris oo wallac ah oo uur yar leh, fadhida afaafka gurigeeda ayaa waxaa guriga canab uga soo uray hilib la shiilayo, kadib waris waxay yara jamatay hilibkaas u soo uray in ay wax yar ka cunto, waxay waris uyeedhay rooda waxay ku tidhi hooyo habo canab hilibka ay shiilayso in yar iiga soo qaad, waxaa isla markaas roodi dhaqaaqday soo is taagay oday jaamac, waris marnaba ma filanayn in canab ay rooda oo fara madhan ay kusoo celinayso.Rooda yar markay fariintii waris canab u gudbisay, canab waxay kusoo celisay rooda waris laakiin waxay ugu soo dhiibtay farriin, waxay ku tidhi rooda hooyo waxaad ku tidhaahdaa hilibkani xalaal idiin ma aha. Markii fariintani soo gaadhay waris. Waris iyadoo u fiirsan oo aan hubsan ayay kor u dhawaaqday, oo hadallo ay wax kaga sheegayso canab baahidoodii iyo saboolnimadoodii iyo siday wax u tari jirtay oday jaamac oo taagan ku tuurtuurtay. Oday jaamac ayaa waris si adag u lahadlay, kadib waxa uu u wareegay canab oo hilibkeedii iska shiilanaysa, hadalladii saaxiibadeedna dhagaha ka furaysatay. Haddana ilmo indhaheeda kusoo taagantahy, canab waxay si dagdaga jaamac ugu tidhi iyadoo ilmo indhaheeda ka qubanayso, walaal jaamac xalay caruurtu may cashayn, saaka maaanu quraacan, maanta maanu qadayn, waanu xishoonay oo meelna umaanu bixin. Markii aanu gaajo is hayn kari waynay ayaanu neef bakhtiya oo kudaafadda yaala caruurta hilbo uga soo jaray, oo u shiilayay, markaa hilibkaasi xalaal idiin ma aha walaal. Oday jaamac naxdin iyo anfariir ayuu la dhaqaaqi waayay. Si dag daga ayuu gurigii ugu noqday isagoo ku dhawaaqaya, hoognay jahannama ayaynu ku jirnaa, cadaab allaa inagu socota. Waris waar maxaa dhacay. Waxa uu uga sheekeeyay qisada jirta waris iyada oo ooyaysa ayay canab u wareegtay oo madaxa iyo mijaha ka dhunkatay, iyada oo ku dhawaaqaysa, alla walaal I cafi alla walaal I cafi. Waa bil arafo bilanayso, waxaa awjaamac ka gonayd inuu xajka sanadkaa soo gutto isaga iyo afar asxaabtiisa ah waxa uu meel ku urursaday oo dhigtay lacagtii xajka. Waris iyo awjaamac markii ay talada rogrogeen waxaa markiiba awjaamac niyadiisa kusoo dhacay lacagtii xajka uu u dhigtay. Alla waxbaan xasuustay intuu yidhi ayuu hore kabaha ula booday. Lacagtii ayuu soo qaaday dhamaanteed waxa uu farta kasaaray canab oo ku yidhi canabeey lacagtaa mehered ku furo oo caruurta masaariif uga soo saar. Maashaa allaah. Muddo kadib xajkii ayaa loo diyaar garoobay, aw jaamac intuu asxabtiisii ay xajka ku ballansanaayeen u tagay ayuu ku yidhi arin ayaa igu soo korodhay ee iska taga wuuna soosagootiyiy. Waxay sidaas ahaataba, maalintii carrafa la taagnaa habeennimadeedii ayaa waxaa dhacay, afartii nin ee xajka u anbabaxay, ayaa afartooduba waxa ay si isku mid ah ugu riyoodeen aw jaamac oo carafo la taagan. Markii ay soo noqdeen ayay qisaday arkeen habeenkii carrafa uga warameen aw jaamac. Aw jaamac aad ayuu u farxay qisadii uu sameeyay ayuu uga sheekeeyay asxaabtiisii. Waxay jamac ugu tageen nin shiikh ah oo mu fassir riyooyinka ah waxa uu ugu jawaabay waxkhayr leh ayaad samaysay aw jaamacooow. Haddaba guntii iyo gabagabadii, jaarka asxaabeey dhamaantiin hala ogaado. Ilaahayna khayrka ha ina waa fajiyo dhamaanteen.

W/Q: Mucallim mohame somali

COMMENTS
LINKS