|
|||||
WAJAALE NEWS
“SAMAALE Wuxuu Muujiyay Inuu Yahay Nin Han Weyn,Waanan Ku Hambalyeynayaa” Mujaahid Cali Xaraaro
March 3, 2015 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews) Mujaahid Cali Cismaan Libaax (cali Xaraaro) ayaa soo dhaweeyay,isla markaana ku amaanay Cabdicasiis Maxamed Samaale iscasilaada uu iska casilay xilkii dhawaan loogu magacaabay wasaaradda waxbarashada,mujaahid Cali Xaraaro ayaa sidan ku sheegay qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay oo u dhignaa sidan: Samaale wuxuu muujiyey inuu yahay nin han weyn, wuxuu yidhi sidey u dhici kartaa anigoo aan waxba la iga weydiin inaan iddaacadaha aan ka maqlo waa la bedeley!. Anigu Cali Xaraaro ahaan arinkaa waan ku hambalyeeyey, waxa ka liita Muuse Biixi oo yidhi, waxaan u sharaxanahay jagada madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, ka dibna beesha Subeer Awal oo dhan ayaa hanqalka lasoo wada kacday iyo weliba dad badan oo kale, dhalin yaro fara badan ayaa xabsiyada lagu guray xamaasad buuq ayaa dhacay, ilaa Axmed Siilaanyo ayaa war baahinta ka han jebey kuna eedeeyey Muuse qaraxyadii Hargeysa ka dhacay, muda yar ka dib ayaa Muuse looga yeedhay qasriga madax tooyada, waxaana lagu yidhi imika ka noqo wixii afkaaga ka soo baxay oo beenee, siddii ayuu muuse kaga hadlay warbaahinta, waxaana ka mid ahaa “aniga waa lay edbiyey wixii dhacyna aniga masuul ka ahaa imikana si wanaagsan ayaan u joogayaa”.
Markaa akhrista bidahana gartiisa waa la siiyaa samaale wuxuu diidey wasaarada wax barashada maaha arinku berina maxaa iman kara ayuu diidey muusena edebtii ayuu ku joogaa da yartana waxa ka hadashaan afarta wasiir ee lama taabtaan ka ah iyo waxay wasiirada dheer yihiin
Cali Cismaan (Cali Xaraaro) Related posts:Madaxwaynaha Somaliland Hal Talaabo Oo Uu Qaaday Makaga Dayan Doonaa Madaxda Geeska Afrika Iyo Wad... Daawo Odayaasha Degmada Arabsiyo Oo Turxaan La,aan u Tebiyey Tabashadoodii iyo Jawaabta M/Weyne Siil... DAAWO;-Musharax Maxamed Soobe Oo Kormeeray Goobaha Ay Ka Socoto Diwaan Galinta Ee Caasimada Iyo Xaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|