|
|||||
WAJAALE NEWS
Safaaraddii Maraykanku ku Lahaa Djibouti Oo La Xidhay Iyo Digniin Loo Jeediyey Muwaadiniinta Halkaas ku Nool
March 19, 2015 - Written by Editor:Djibouti:(Wajaalenews)-Safaaraddii Maraykanku ku lahaa Magaalada Djibouti ee Dalka Djibouti ayaa la xidhay, iyadoo qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykankana lagu sheegay inay sababtu tahay mid salka ku haysa Khatar dhinaca ammaanka ah. “Si joogto ah ayaan u helnaa warbixino, waxaan go’aaminey in warbixinda aan heleyno baadhno, isla markaana aan sugno amniga, kadib hanjabadaaha la helaayo” ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan Arrimaha Dibadda ee Maraykanka. Safaaradda Maraykanka ee Jabuuti ayaa xidhnaan doonta Khamiista ilamaa iyo Axadda, waxana muddadaas la sheegay in lagu baaadhayo warar cabsi leh oo ay heleen. Bishii Juun 2014 ayey ahayd markii laba qof oo ka tirsan al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Maqaaxi ay inta badan fadhiisan jireen dadka caddaanka ah iyo ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan dalka jabuuti, Maqaaxida La Chaumiere. Labadii qof ee weerarka fuliyey ayaa Jabuuti waxaana weerarkaas ku dhintey dad ka badan 20 qof. Bishii February 2015 dhamaadkeedi ayaa dalka Jabuuti mar kale xidheen xadka ay la wadaaagaan Somaliland, waxana ay sababta ku sheegeen shaki laga qabo arrimaha ammaanka. Website-ka Safaarasdda Maraykanka ee dalka Jabuuti ayaa digniin u dirtey dhamaan dadka Maraykanka ah ee ku sugan Jabuuti in ay qaadaan tallaabooyin ay isku ilaalinayaan, sida uu qoray joornaalka The Hill. Dalka Jabuuti waxaa ku yaala xerada ugu weyn ee maraykanku ku lee yahay qaaradda Afrika, Camp Lemonnier, waxaana la sheegaa in ay tahay halka laga hago weerarada Maraykanku ka fuliyo dalalka, Yemen, Somaliya, Mali iyo Liibiya.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|