Sacad Muuse Iyo Xeeladaha Siyaasiyiinta Ugu D’ada Wayn Somaliland Ee Madaxwayne Siilaanyo Iyo G,Saleebaan Kala War La,aa!!!!!!FAALO, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sacad Muuse Iyo Xeeladaha Siyaasiyiinta Ugu D’ada Wayn Somaliland Ee Madaxwayne Siilaanyo Iyo G,Saleebaan Kala War La,aa!!!!!!FAALO,
March 14, 2015 - Written by Editor:

kama suulin Maan Gaab Inay Taladu Seegtaaye

Sanadkii La Joogaba Ninbuu Saaray Daawaha e

Maxaa Lagu Sabootiyi Shantii Saacadaa Hadhaye

EREYO KAMIDA GABAYGII SAMA DIID,

Jawiga Siyaasadu waa mid isbadaba socda iyadoo maahmaah soomalieed  tidhaahdo”food saar daba saar loo cli”seeraha siyaasadu maaha mid sahal looga gudbo sidhib yarna loogu guulaysan karo marka hanka siyaasigu gaadhsiisan yahay, kursiga dalka ugu sareeya ee madaxwaynaha, balse nasiibkaaga oo ku saacidaa waa ayaankaaga, qunyar socodka ,samirka.iyo adkaysiga waxaa lagu tilmaamaa waxyaabaha sobobi kara guusha siyaasiga hanka leh. huga siyaasigu waa samcada uu bulshada ku dhex leeyahay.go,aankiisa taladiisa,hadalkiisa, tudhaalshiisa,iyo ficil kasta oo uu sameeyaa waxay sobob u yihiin guusha iyo guul darada siyaasiga hanka madaxwayne leh, Qadarka ILAAHAYNA WAA HALKIISA.

Sidoo kale seeraha siyaasadu balan sugan iyo saaxiib joogta laguma oga, sidoo kale loolanka adag ee seeraha siyaasada  ka dhex socdaa siyaasi kastaa wuxu jecel yahay in sanqadhiisa aan la maqal balse lama waayo wax siraha qarsoon dibada u soo saara OO sameecado waawayna bulshada ku maqashiiya

 

Sidoo kale mar walba waxaa jira dad suul daaradaada jecel oo xadhiga kuu soo hanaya suryo adagna kugu giijinaya lagama waayo sidoo  hadii dabinkaa uu siyaasigu galo in uu warwar seexan waayo oo dhinaciisa iyo sariirtu ay coloobaan waa sune ay siyaasadu leedahay oo hortaa iyo dabadaa  dhici doonta, waxaana hubaala  in jawiga siyaasadu subaxdii shalay iyo saaka uu dareeno kala duwan aad ku qaabilayso ogowse, cududa iyo saanada ugu danbaysa ee aad ku gaadhi kartaa  kursiga ugu sareeya dalka waa ‘TOLKAA’ oo hadii hoo iyo hiilba ay kula garab joogsan waayaan, kusuntanaan doona guusha iyo guuldaradaba.

Habada akhriste marka aynu si qotodheer u lafa gurno una sarno boogaha inakoo diirada saarayna seeraha siyaasada ee somaliland miyaanay marag ma doon ahayn in seeska laga duulaa ay tahay qabaa,il ku hirdamaya hogaaminta dalka, gaar ahaan beesha dhexe ee isaaq , waxaana lagu sobobeeyaa Dimuqraadiyada socod baradka ah ee curdinka ah hadiiba ay arintu sidaa tahay siyaasiyiintan beesha sacad muuse mrxav iskugu haystaan humaagyada indho sarcaadka ah  ee waayo aragan ee midida daabkeeda haya ay ku jahawareeriyeen waa laba masuul ee MADAXWAYNE SIILAANYO IYO GUDOOMIYE SALEEBAAN,

Iyadoo  humaagyada indha sercaadka ah ay duqaydani marba mid sacabka ugu tumaan  garabyadan ay kala hogaamiyaana ee beesha sacad muuse ahina kolba ka guusha hela maahee ka kale ay ku, oriyaan.

Sacabkan iyo mashraxadan ayay ka qaybqaataan guud ahaan beesha sacad muuse sida, waxgaradka, cuqaasha, aqoonyahanka iyo guud ahaan madaxdhaqameedka

Humaagyadan indha sercaadka ah iyo  saadalaha aan la kala cadayn karin ayaa beesha sacad muuse ka dhigtay mid sumcad xumo wayni ka soo gaadhay, beeshan oo ilbaxnimo iyo maalba lagu tuhmo Qormadan waxaan kusoo afmeeraynaa mid kamida hees ciyaareed,(Dhaqanka miyiga marka aqalka cad ee arooska ay barbaartu ciyaarta gaafka iskugu timaado  daadihiyaha barmamijka ayaa mid kamida barbaarta soo buuqatay caruuska waydiiya su,aal hadii uu garan waayo, daadihiyaha barmaamijka iyo barbaarta goob jooga ah ayaa mar kaliyata ku dhawaaqda Hees ciyaareedka)

Ninbay sudhatooy sara ula kacdee soomali la,aalay sideen ka yeelnaa

LASOCO CADADKA DANBE

……………………………………………………………………….

QALINKII WARIYE  YUUSUF JAAMAC, HIRSI

COMMENTS
LINKS