Saamaynta Is-casiladii Cabdicasiis Samaale Ku Yeelan Karto Xukuumadda Siilaanyo? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saamaynta Is-casiladii Cabdicasiis Samaale Ku Yeelan Karto Xukuumadda Siilaanyo?
March 10, 2015 - Written by Editor:

samaale

Hargeysa (W.N) Madaxwaynaha Somaliland ayaa isku shaandhayn uu sameeyay badhtamihii bishii hore xilkii wasiirka maaliyadda kaga qaaday cabdicasiis samaale isagoo u badalay wasaaradda waxbarashada, balse cabdicasiis samaale ayaa isagu ku gacansaydhay xil badalaada lagu sameeyay waxaanu gabi ahaanba shaaciyay inaanu diyaar u ahayn xil uu ka qabto xukuumadda taladda haysa

cabdicasiis samaale

dhawaaqan ka soo yeedhay wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa madaxtooyadda ku keenay wajigabax siyaasadeed, waxaanay taasi keentay in ilaa hada aan cid loo soo magacaabin xilkaas uu iska casilay wasiirkii hore ee maaliyadu

cabdicasiis maxamed samaale waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa lafdhabarta xukuumadda taladda haysa, waxaana lagu xusuustaa halgankii adkaa ee uu madaxwaynaha la soo galay xiligii xisbiga kulmiye muncaaradka ahaa.

cabdicasiis maxamed samaale waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa garabka midig ee madaxwayne siilaanyo, isagoo qayb wayn ka soo qaatay halgankii dhaqaale raadiska kulmiye waxaanu wakhtigii kulmiye muncaaradka ahaa kamid ahaa shakhsiyaadkii maalgalinta ka gaystay xisbiga

waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa shakhsi ku sifoobay daacadnimadda kulmiye, islamarkaana qayb wayn ka qaatay ololihii kulmiye ee 2010.

waxa lagu tilmaamaa inuu qayb wayn ka ahaa taageeradii laxaadka lahayd ee gobolka gabiley ka gaystay xisbiga kulmiye doorashadii 2010

si kastaba ha ahaatee inkastoo aynu si kooban uga soo hadalnay halgankii samaale ka soo galay xisbiga kulmiye, hadana waxa afar sanno iyo dheeraad ay xukuumadda siilaanyo jirtay cabdicasiis banaanka looga saaray golaha wasiiradda xukuumadda isagoo hada kamid ah shakhsiyaadka madaxwayne siilaanyo ayga kaga tagay taarrikhda maguuraanka ahna ku lahaa xisbiga kulmiye iyo xukuumadda

inkastoo khudbadii cabdicasiis ka jeediyay madashii uu xilka ku wareejinayay ku sheegay inuu sii jiri doono saaxiibtinamadii ka dhaxaysay isaga iyo madaxwaynuhu, ayaanay hadana u ekayn in hadalkaasi dhaboobi karo balse waxay u badantahay in cabdicasiis samaale kamid noqdo shakhsiyaadka xukuumadda ku kiciya duufaano culus oo muncaaradeed waxaana goobaha cabdicasiis gacanta ku dhigi karo kamid ah gobolka gabiley oo asal ahaan ka soo jeedo

hadii cabdicasii samaale u banbaxo muncaaradada xukuumadda waxay taasi caqabad ku noqon kartaa xukuumadda taladda haysa maadaama oo shakhsigani xogo badan oo muhiima kuna saabsan madaxtooyadda hayo,

si kastaba ha ahaatee madaxwayne siilaanyo ayaa cidla kaga dhaqaaqay mid kamida saaxibadiisii ay iskugu dhaweeyeen halganka soo jireenka ah ee muncaaradnimadii xukuumadii udubna soo wada galeen

balse dadka shakhsiyadda madaxwyane siilaanyo yaqaan ayaa sheega inaan madaxwayne siilaanyo waligiiba u abaal gudin shakhsi la soo tacaalay xilli uu taageero u baahnaa.

waxaana cabdicasiis samaale xaga dambe kaga darsamayaa in ka badan toboneeyo siyaasi oo madaxwayne siilaanyo goor aan hadh iyo habeen ahayn uu kaga dhaqaaqay meel cidlo ah

COMMENTS
LINKS