|
|||||
WAJAALE NEWS
“Ruushka iyo Daacish waa halista ugu weyn ee ku soo waajahan Britain iyo Dunidaba, waana in difaacooda loo diyaar-garoobo”
March 1, 2015 - Written by Editor:Madaxii hore ee Waaxda Sirdoonka Britain London, (Wajaalenews)- Madaxii hore ee Waaxda Sirdoonka dawladda Boqortooyada Britain Sir John Sawers oo hadda hawlgab ka ah shaqada, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Ruushka iyo Kooxda Daacish ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya ay halista ugu weyn ee ku soo waajahan Ingiriiska iyo dunidaba ay yihiin, isla markaana loo baahan in loo diyaar-garoobo sidii la isaga difaaci lahaa. Wareysigii ugu horreeyay ee uu bixiyo tan iyo markuu Xafiiska ka tegay waxa uu si gaar ah u siiyay BBC-da. “Ruushka iyo Bariga dhexe waxa ay si cad u noqdeen meelaha aadka u sarreeya ee qofka Sirdoonka Britain ee MI6 ka tirsani uu si weyn maanka ugu hayo.” ayuu sheegay Madaxii hore ee Sirdoonka Boqortooyada Ingiriisku. Waxaanu intaas ku ladhay; “Dawladda Ruushku waxay noqotay halis ku waajahan Britain oo ay tahay in loo diyaar-garoowo sidii loo qaadi lahaa tallaabo difaac lagama maarmaan ah la isagaga caabbiyi lahaa halista ka soo socota.” Sir John Sawers, ayaa BBC-da u sheegay in halista ka imaaneysa Ruushka ay sii siyaadday, waxa uu carrabka ku dhuftay Madaxyada Nuclearka ee Ruushku ay ku soo dhawaanayaan Xeebaha Cornish. Waxaanu tilmaamay in Britain iyo reer Galbeedka looga baahan yahay inay u diyaar-garoowaan difaacidda naftooda iyo saaxiibbadooda sida dalalka Balticga. Sawers ayaa sheegay in colaadda hadda ka taagan Bariga Ukraine ay tahay calaamad muujineysa sida dalalka Yurub ay ugu baahan yihiin inay iska ilaaliyaan Ruushka. Ninkan hawlgabka ka noqday Sirdoonka Britain, ayaa muujiyay niyad-jabkiisa ah in ka dib dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee dunida, in Ruushka iyo Yurub ay ku guul-darreysteen inay isu yimaaddaan. Ficillada Madaxweynaha Ruushka Mr. Putin, waxa uu ku sheegay inay la mid yihiin sida hoggaamiye mar la aamminsanaa inuu amnigiisa gacmihiisa ku qaatay. kuwa badan oo ka mid ah dagaalyahaniinta Daacish, ayaa la aamminsan yahay inay Yurub ka tageen. Halista Ururrada Jihaadiga ah ayuu Sir John Sawers ku tilmaamay in ay tahay kumannaan qof oo walaac ku ah laamaha amniga ee Britain. Balse taasi waxa ay keeneysaa ka warhaynta waxa aan waaqiciga ahayn iyo caqabadaha ka hor-imanaya Xeerarka Xuquuqda Aadamaha. Waxa uu intaa ku daray in khatarta Ururrada Jihaad-doonka ah ay ku yihiin Britain ay sii kordheysay sannadihii la soo dhaafay, loona baahan yahay in laamaha ammaanku ay fiijignaan badan sameeyaan. Related posts:Madaxwayne kuxigeenka Jsl Oo Sheegay In Uu Ka Seexan Waayay Hadal Uu Yidhi Xildhibaan Barkhad Batuu... Madaxweyne Ku Xigeenka jsl oo Kulamo isla Xisaabtan Ah la Qaatay Maamulka Dawlada hoose Caasimada Ha... DAAWO;-Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Dhagax Dhigay Xarumo Waxbarasho Oo laga Hirgalinayo Xaafada Cu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|