PROF Cabdi Cali Jaamac oo kamida Shaqsiyaadka Loo Saadilanayo In Loo Magacaabo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, JSL | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
PROF Cabdi Cali Jaamac oo kamida Shaqsiyaadka Loo Saadilanayo In Loo Magacaabo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, JSL
March 3, 2015 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) prof cabdi cali jaamac oo kamida aqoonyahanka reer somaliland islamarkaana hada ah gudomiyaha komishanka Aidska Mudadii u joogayna ka qabtay wax la taaban karo isagoo kor u qaaday qaabka ay u shaqayso iyo systamka maamulka, Ayaa la filayaa in loo magacaabo wasiirka wasaarada waxbrashada iyo tacliinta sare

prof Cabdi Cali Jaamac

Wararka laga helaya qasriga madaxtooyada somaliland ayaa sheegaya in cabdi cali oo ah macalin mudo jaamacadaha dalka wax ka dhigayay

Arintan ayaa hadii uu madaxwayne siilaanyo ka dhabeeyo in uu wasarada waxbarashada iyo taclinta sare udhiibo prof cabdi cali jaamac uu kor uqaadi doono wasaarada waxrashada oo tabaysa qof leh aqoon hufan iyo aragti fog oo ka shaqeeya sidii mustaqbal dayarta somaliand loogu diyaarin lahaa aqoon ay kula tartamaan dhigooda ,

Prof cabdi cali jaamac ayaa taageero wayn ka haysta dhamaan bulshada somaliand iyo bahda waxbarashada aqoon yahanka Dhilinyarada iyo ciskasta oo ku abtirsata aqoon iyo horumar

 

COMMENTS
LINKS