Muwaadin Xaqiisii Golaha Guurtidu Duudisiyeen Oo Farriin U Diray Madaxweyne Siilaanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Xaqiisii Golaha Guurtidu Duudisiyeen Oo Farriin U Diray Madaxweyne Siilaanyo
March 15, 2015 - Written by Editor:

Ku: Madaxwaynahah Somaliland

Og: Guudoomiyaha Golaha Guurtida

Og: Maxkamada Sare

Ujeedo: Xil Duudsiin

MUWAADIN XAQIISA RAADINAYA 1

Anigoo ah Salaahudin Maxamed Siciid Dhiif muwaadin u dhashay Somaliland xaqna u leh inaan ixtiraama sharciyada wadanka u yaala ayaa waxaan halkan idiin ku soo gudbinayaa siddii Golaha Guurtida Somaliland qayb ka midi ii duudsiiyeen xil aan xaq u lahaa inaan qabto, iyadoo aan u gartay in ay igula kaceen Baabul khiiyaamo.

Aabahay Maxamed Siciid Dhiif wuxuu ahaa xubin ka mida golaha guurtida kuwii aasaasay kana soo qayb qaatay nabadayntii dalka isagoo kaalin ka soo qaatay muhiima Soomaaliland. Alle ha u naxariistee wuxuu geeriyooday aabo sanadkii 2006 iyadoo aan xaq u lahaa sharcina ay tahay inaan jagadaa buuxiyo maadaaba aabo geeriyooday ayaa haddana Soboba jira awgeed la Ii diiday oo ay ka mid ahayd da’dayda oo yarayd. Siddaa awgeed waxaa la isla gartay in jagadaasi uu buuxiyo oday ka mid ah tolka oo la yidhaa Siciid Cali Nuux Alle ha u naxariistee isna wuxuu geeriyooday sanadkan aan ku jirno ee 2015 bilowgiisii.

Kadib waxaan ka mid noqday dadka u tartama buuxinta xubinimada golaha guurtida maadaama oo aan xaq u lahaa anuu marka sida sharciga golaha u yaalaa dhigayo balse ay iga reebtay da’dayda awgeed. Kadib mudane madaxwayne waxaa dhacday in koox yar oo tiro yari oo inqilaab iyo laaluush wadaa ay jujuub ku geeyeen wiilka uu dhalay xildhibaankii aabahay bedalay ee Siciid Cali Nuux oo da’ ahaan ah 20 jir kaasi oo aan wax ogolaansho ah ka haysan chief caaqilka beesha balse kooxdani ay inqilaab iyo jujuub ku geeyeen wiilkan.

Mudane madaxwayne hore ayaaa aniga la iiga reebay markii aabo geeriyooday inaan buuxiyo jagadan da’dayda awgeed manta oo aan xaq u lahaa inaan galana waa la I inqilaabay. Markaa mudana madaxwayne waxaan kaa codsanaynaa inaad arintan u dhug yeelato oo aad wax ka qabato maadaama oo aan xaq u leeyahay buuxinta jagadan.

Allaa Mahadle.

Salahudiin Maxamed Siciid Dhiif

 

 

 

COMMENTS
LINKS