Muwaadin Ganacsade Ah Oo 77Cisho Sharci Daro Ugu Xidhan Wasiir Samsam Iyo Jawaab La,aanta Madaxtooyada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Ganacsade Ah Oo 77Cisho Sharci Daro Ugu Xidhan Wasiir Samsam Iyo Jawaab La,aanta Madaxtooyada
March 6, 2015 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews)Ganacsade Axmed Cumar Cabdilaahi oo ah muwaadin reer somaliland ah iskana leh macdaarka dhidar suber market oo ku yaala xaafada shacabka gaar ahaan wadada dhakhratka daba marta waxayna tukanka daris dhaw yihiin macdarka baabuurta ee good

tukaanka dhidar shop

Mulkiilaha Tukaanka Dhidar super market ayaa mudo 77cisho ah ku xidhan saldhiga dhexe iyadoo wax xukunana lagu fulin balse uu cid gaar loogu hayo

TUKANKA DHIDAR IYO SAMSAM CABDI

Hadaba Axmed Cumar Cabdilaahi ayaa mar aanu ku buuqanay saldhiga dhexe ee magalada hargaysa oo uu ku xidhan yahay ayaa nooga waramay xaaladiisa iyo cida haysata sobobta sharciga lo horgayn waayay hadii uu danbi leeyahay,

Xadhiga Mulkiilaha dhidar super market ayaa ka dhashay kadib markii muran dhuleed dhexmaray meherad kale oo laga furay kasoo horjeedkiisa taasi oo ay leedahay ina dhool dahable islamarkaana sobobtay in dhowr jeer ay isku dhacaan laba tukaan balse murankooda ay daba kariixayso xubno xukuumada ku jira kuwaasi oo dhul mulkiilaha dhidar kulee yahay istoodhka uu noo sheegay isagu dhulka ka iibsaday dad rayida hala dhulkii uu iibsaday ay ku doodayso inanta kale in ay dhulkan siisay marwada kowaad oo ay ku weheliso wasiirada maaliyada samsam cabdi aadan

Mulkiilaha tukaanka dhidar shop ayaa wali wax maxkamada la gay islamrkaana saldhiga dhexe ku joogo rumaan marba marka wakhtigiisu dhaco dib loogu soo kordhiyo

mulkiilaha ayaa waxa hortaala in siidayntiisa ay ku xidhan tahay in uu bixiyo khasaare dhan 16000$ oo ay soo dalacatay tukaanka dhool dahable iyadoo lagu saleeyay weerar kaga yimid xaga axmed cumar iyo in aanu dib u sheegan dhulkiisii oo marka hore isagu iibsaday

Arintan ayaa ah mid ka fog biliaadanimada una muqata toojar oo hadii uu arintaa ogolaan waayo uu kujirayo saldhiga

Odoyada muwaadinka xidhan ayaa tiraba laba jeer qoraal cabasho ah hor dhigay marwada madaxwayanaha Aamina maxamud jirde oo xilgaa ku sugnay magaalada togwajaale

Nasiib darase wali wax jawaaba kamay heli halka Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo ah gacanta midig ee marwo Aamina Waris ay kow katahay cida bixinaysa amarka xadhiga ku haynta saldhiga dhexeba

Arinta ayaa muujinaysa in aanay marnaba marwada ka jawaabin Cabashada odoyaasha mulkilaha maadama cida dhulka bixisay iyo cida wax xidhaysaaba ay tahay wasiir samsam oo adeeg sanaysa awood dawladnimo

Ehelka muwaadin Axmed Cumar Cabdilaahi ayaa baaq udiraya Dhaman haayadaha u dooda xuquuqda aadamaha iyo cidkasta oo jecel cadaalada in hoos loo eego xadhiga dawladaysan ee aan marna u muuqan in uu helo cadaalad.

Dhacdadan ayaa ah mid uguba khatarna ku ah gancsiga xorta ah Ee somaliland ku caana maashay

waxa kale oo ay fadeexad ku tahay dhaman laamaha garsoorka gaar ahaan booliska oo saldhiga dhexe noqday mid dadka lagu hayo bilaa xukun islamarkaana hadba cida soo xidhatay siday rabaan loogu hayo gaar ahaan dadka laga soo xidho aqalka madaxtooyada somaliland oo ah halka dalka looga arimiyo.

 

COMMENTS
LINKS