Musharaxa Madaxwayne Ee Xusbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Oo Hambalyo Udiray Maayirka Cusub Ee Gobolka GABILEY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxwayne Ee Xusbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Oo Hambalyo Udiray Maayirka Cusub Ee Gobolka GABILEY
March 17, 2015 - Written by Editor:

“Waa shakhsi u qalma runtii. ILAAHAY ha Ku guuleeyo xilkaasi isagoo u shaqaynayna danta shacabka Reer Gabiley Ee Soo doortay.”

Hargeysa(Wajaalenews):- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali  Xuseen ayaa ku bogaadiyay Maayirka Cusub ee Gobolka GABILEY Maxamed Aamiin Cumar Dheere Xilkaasi maanta loo doortay, kadib markii Maayirkii hore uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasiirka Cusub ee Wershadaha.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku sifeeyey Maayirka Cusub ee Gobolka GABILEY inuu yahay shakhsi u qalma xilkaasi loo doortay, ILAAHAY-na waxa uu uga baryay inuu ku soo asturo.

Sidaa waxa uu Aqoonyahan Jamaal ku sheegay qoraal uu caawa soo gaadhsiiyay warbaahinta wuxuna udhignaa sidan:

“Waxaan halkan hanbalyo balaadhan uga Soo dirayaa una duceynayna Maayirka Cusub Ee Magaaladda Gabiley Maxamed Amiin Cumar Dheere oo Doorashaddii Golaha Deegaanka Ka Soo baxay Xisbigga UCID Ee Magaaladda Gabiley. Waa shakhsi u qalma runtii. ILAAHAY ha Ku guuleeyo xilkaasi isagoo u shaqaynayna danta shacabka Reer Gabiley Ee Soo doortay. Kun jeer baan u hambalyeeynayaa, waananu u duceynayna. Xisbigga UCID Iyo shakhsi ahaanba ILAAHAY ha Kugu guuleeyo.”

 

 

COMMENTS
LINKS