Miyaynaan Qaldanayn Markaynu Isgarab-Qotominay Laba Qof oo aan Isku Qiimo ahayn? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Miyaynaan Qaldanayn Markaynu Isgarab-Qotominay Laba Qof oo aan Isku Qiimo ahayn?
March 12, 2015 - Written by Editor:

Aduunka marka shakhsi la qiimaynayo waxaa dib loo eegaa taariikhdiisa iyo waxa uu qarankiisa usoo taray ama uu usoo qabtay ,kadib waxaa lagu maamuusaa wadamada qaarkood darajooyin magacyo kala duwan ay ugu kala yeedhaan sida “ SIR” waa darajo aad u saraysa oo lagu xurmeeyo qofkaa lasiiyey. Dadkaa darajadaa lagu qiimeeyo waxaa ku jira kuwa guulo kasoo hooyey Tartamada kala duwan ee ciyaaraha iyo waxyaabo kale oo kamid ah.

 

Haddaba, inagu Maxaynu ku qiimaynaa Qofkeena Qiimaha leh ee Naftiisii u horey unasoo biimeeyey siddii aynu u gaadhi lahayn nolosha aynu manta ku noolnahay ee xoriyadda ah. Bal aynu milicsano dagaalkii SNM ay hargeisa kusoo gashay 31 may 1988 , marka hore waxaan Alle u waydiinayaa Naxariis kuwii habeenadaa kala dambeeyey ku shahiiday Burco iyo Hargeysa Holicii dagaal iyo guud ahaan kuwii ku shahiiday halgankii . aan hore usii socdo oo aynu yara milicsano Hargeysa iyo habeenakaa oo aynu gudaha usoo galno hargeysa. Saacada Afrikada Bari markay 2:30 arroornimo waxay soo gaadheen Xaafada Isha-Boorame, oo uu ku yaalo Taliskii Qaybta 26aad ee Ciidankii Faqashka (oo imika ah Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland), waxaa Taliska Qaybta dhawr boqol oo mitir waqooyi ka xiga Xeradii Birjeex, Xeradii Ciidanka Daraawiishta, Taliskii Guud ee Ciidanka Bilayska iyo Miiska Saraakiisha oo galbeed kaga beegan. Waxaa il-qabatin isku jira Ciidamadii xaq-u-dirirka ee SNM oo dhaarsan, wacad-na ku marsan Guul ama Geeri iyo Ciidankii Faqashta ee Gaaska 2aad ee Qaybtii 26 aad oo u sii diyaar-garoobay difaac-na kaga jira dhufaysyadoodii kana kooban: Guuto 5-aad oo fadhigoodu ahaa Gabiley, Guuto 50-aad oo fadhigoodu ahaa Gumburaha, Guuto 87-aad oo fadhigeedu ahaa Bali-Shirre iyo Guutada 661-aad oo ahayd madaafiicda goobta, kuna kala filiqsanaa fadhiisimooyinka Guutooyinka oo dhan. Gaaska 2aad waxa taageerayey Urur taangiyo ah oo fadhiyay Gabiley iyo Hurinta lidka diyaaradaha oo fadhiday Hargaysa. Gaaskan waxa kale oo kayd xoojin ah u ahaa 6 Baabuur oo BM13 ah, 3 Baabuur oo BM21 ah, Ururka 16aad oo ka koobnaa 24 taangi oo noocoodu kala ahaa 55 iyo 54, kuwaas oo ku kala diyaarsanaa Gabiley iyo Dararweyne, Ciidamadii Taliska Qaybta 26aad oo ka koobnaa Urur Daraawiish ah, Urur Koofiyad Cas ah, Urur Miinada ah, Urur Isgaadhsiin ah, Urur Saadka ah, Ururka Dhismaha, Hurinta warshadaha kabista, Cutubyadii Dugsiga Tababarka Madaafiicda, Guutada 4aad ee Gantaalaha oo kala fadhiday; Masalaha, Waraabe Salaan, iyo Berbera. Waxa kale oo kayd ahaan u diyaarsanaa Ciidanka Circa oo haystay 3 diyaaradood oo hawl gal ah, duuliyayaashii u diyaarsanaa waxa ka mid ahaa; Xirsi, Mursal Muufo, Yuusuf Waraabe iyo rag kale. Guutada 24aad waxay haysatay Tikniko ka koobnayd 23 Beebee iyo 24 Madfac (106)

 

Ciidamadii SNM oo gadoodsani waxay ugu horeyntiiba guluf ku qaadeen Taliskii Qaybta 26aad ee Faqashta. Markay u jiraan Taliskii Qaybta ilaa kiilomitirna waxa ku bilaabantay rasaastii Faqashta waxaana sidaa ku bilaabmay Dagaalkii Hargeysa. Habeenkaa waxaa dhacay dagaal aad u foolxun oo maryo dhiig leh la kala furtay. Waxaa magaalada afarteeda dacal gilgilay gariirka iyo dayaanka hubkii ka dhacayay qoryaha noocyadiisa kala duwan oo la isugu addeegsanayay si arxan-daro ah oo aan kala go’ lahayn iyadoo rasaasta ka dhacda boobayaasha fudud-na la iskugu afuufay sida dhibicda roobka. Waxaa cirka iftiimiyay hilaacii iyo ololkii ka baxayay qoryaha waaweyn iyo iftiinkii rasaasta, Waxaa meelaha qaarkood waxa cirka isku shareeray qiiq ka baxayay goobihii la isku faro-saaray, iyadoo hawadu saaqantay oo baaruudu ka uraysay. Waxay ciidamadii SNM habeenkaa mireen oo cagta mariyeen Gaaskii 2aad ee ciidamadiii Faqashta iyagoo qabsaday Taliskii Qaybta, Xeradii Birjeex, Xeradii Ciidanka Daraawiishta, Taliskii Guud ee Booliiska, Miiska Saraakiisha iyo Wershadii Laydhka. Gen. Morgan iyo saraakiishiisii oo argagaxsana waxay u baxsadeen Madaarka Hargeysa. Waxaa Hargeysa ku soo qulqulayay Gaaskii 1aad ee Qaybtii 26aad ee Ciidankii Faqashta oo ka soo gurmaday Gabiley iyo Boorame. Waxaa dhacay habqan dagaal oo waxaa isku milmay oo la kala garan waayay faqashtii iyo SNM-tii. Hiirtii waaberi markii ruux iyo geed la kala gartay dagaalyahaniintii SNM waxay bilaabeen inay u soo gudbaan dhanka waqooyi ee magaalada iyagoo koox-koox u socda, markay ka soo talaabeen Dooxa Hargeysa dhinaciisa Shacabka waxay dooxa qarkiisa kula kulmeen ciidankii gurmadka ahaa.

Waxaa goobtaa ka dhacay dagaal culus oo jilbaha la is-dhigay oo ciidamadii SNM askaxa ka dhigeen ciidankaas. Qiyaastii 6:30 aroornimo waxa istaagtay rasaastii, ciidamadii SNM waxay bilaabeen inay u soo talaabaan dhinaca waqooyi ee magaalada iyagoo sii dhexmaray Xaafadaha Goljano iyo Xero Awr, waxayna isku urursadeen oo difaac ka galeen Idaacada dabadeeda iyo Xaafada Xawaadle”

Haddaba, dhacdadaa habeenkaa sare ku xusan ee taariikhdeena baalka dahabka ah kaga jirta saariikhiishii hogaaminaysay maxay inaga mudan yihiin? Rag wakhtii iyaguna Madarasado dhigaayey oo aan dadka iyo dalkaba taariikhku lahayn in la garab dhigo ragaa saqda dhexe isku soo biimeeyey Burco iyo Hargeysa 1988 miyayna foolxumo iyo taariikhxumo inagu ahayn halka umadina sidaan hore usoo sheegay shakhsiyaad cayaaro badiyey ay maamuusyo siiyaan .

Gabagabadii; waxaa tallo iga ah haddii ay hore u dhacday oo aynu qaldanay inayna dib u dhicin. Oo aynu qiimaynaa shakhsiga oo aynu dib u milicsanaa taariikhdiisii hore, iyo doorka uu kasoo qaatay Xoriyada iyo neecaawda macaan ee aynu ku naaloonayno manta. Dhinaca kale waxaan warbaahinta ku arkaayey maalmahan Salaadiin leh “ Cabdicasiis hala daayo waa intaasuu noqdaa madaxweyne mustaqbalka e” haa waa muwaadin wuu noqonkaraa balse Annaga hanala tartamo oo hayskukaayo dhereriyo haseyeeshee cid ayna isku taariikh ahayn haka waantoobo.

 

 

Cabdirasaaq Askar

 

Halsan Media Group

COMMENTS
LINKS