Midowga Yurub Oo Dalbanaya Baadhitaanno Caalami ah Oo Lagu Sameeyo Dilka Hoggaamiyihii Mucaaridka Ruushka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Midowga Yurub Oo Dalbanaya Baadhitaanno Caalami ah Oo Lagu Sameeyo Dilka Hoggaamiyihii Mucaaridka Ruushka
March 13, 2015 - Written by Editor:

Boris NemtsovBrussels:(Wajaalenews)-Isbahaysiga ay ku Bahoobeen Dalka Yurub ee EU-daa loo yaqaanno, ayaa dalbanaya in baadhitaanno caalami ah lagu sameeyo hannaanka uu u dhacay Dilkii dhawaan Magaalada Moscow loogu geystay Hoggaamiyihii Mucaaridka Ruushka Ruushka Boris Nemtsov.

 

Nemtsov oo todobaad kahor lagu khaarajiyey badhtamaha magaalada Moscow ayey dilkiisa dowlada Ruushka u qabatay shan nin oo u dhashay muslimiinta Shiishaan oo ay sheegtay inay ku luglahaayeen falkaas.

Balse eedaysanihii Ruushka dilka ku eedeeyeen oo hore loo sheegay inuu falkan u qirtay inuu sameeyey, ayey hada soo shaac baxday in ninkaasi ciidamada Ruushka ku khasbeen qiraalkaasi.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa sheegay in loo baahan yahay in baadhitaan madax-banaan oo caalami ah lagu sameeyo dilalka lagu khaarajinayo hogaamiyayaasha mucaaridka Ruushka oo dalkaasi ka socda tan iyo sanadkii 2003.

Tan iyo 2003 waxaa lagu dilay dalka Ruushka 10 hogaamiye mucaarid iyo suxufiyiin si weyn u dhaliilay Madaxweyne Vladamir Putin.

Dadkaasi ayaa siyaabo kala duwan loo dilay qaar ayaa loo adeegsaday dilkooda kooxo hubeysan halka kuwo kalena la sumeeyey.

Dowlada Ruushka ayaa sidoo kale illaa iyo hada diidan inay ka qeyb qaadato baadhitaanka lagu wado diyaaradii MH17 ee Malesiyada laga lahaa oo lagu soo riday dalka Ukraine sanadkii hore.

 

 

COMMENTS
LINKS