WAJAALE NEWS
Maxay Iska Shabahaan Qoyska Madaxwayne Siilaanyo Iyo Qoyskii Maxamed Siyaad Barre, Balse Labadooda Marwo Waa:(Aamina Waris Iyo Qadiija Macalin) Saamayn Intee Leeg Ayay ku lahaayeen Siyaasada Labada Madaxweyne??
March 25, 2015 - Written by Editor:
Siilaanyo iyo Amina Weris waxay hayaan dariiqii qodxanta badnaa ee holaca iyo naarta lahaa
Hadaad dib u milicsato Taariikhdii Qoyskii Madaxtooyadii Siyaad Barre iyo Qoyska Madaxtooyada ee Siilaanyo waxaa cad in sooyaalkooda Maamul yihiin Walaalo kala Bah ah oo Aabe wada dhalay balse kala hooyo ah,micnuhu waa isku Aabe oo Somali ayey ka wada yimaadeen,waana kala bah oo midna Somaliland ayuu maamulayaa midna Somaliyadii hore ayuu maamuli jirey.
Hadaba Xagey Iska Shabahaan labada Qoys:-
1. Labada Qoysba ha kala horeeyeen waxay ku suntan yihiin oo taariikhda u gashay Maamulxumo,Kelitalisnimo,boobka hantida Ummada,Qaraabo kiil,Eex,nin jecleysi,wax isdaba marin,Damiir xumo iyo Khiyaamo Qaran.
2. labada Marwo ee koowaad(Marwooyinka koowaad),waqtigoodu ha kala horeeyaani waa Amina Weris Marwada Siilaanyo iyo Khadiija Macalin Marwadii Siyaad Barre,labadoodiba waxay ku milmeen maamulkii dalka oo halkay guryahooda fadhi lahaayeen iyagiibaa taladii dalka kala wareegey odayaashii qabay oo toos u maamuley dalkii,labada Marwo kala waqti ha noqdaane waxay isku soo jeediyeen indhihii Shacabka waxayna labadooduba dhaxleen nacayb iyo karaahiyo weligeed jiri doonta sababta ugu weynina tahay iyagoo inqilaab ku sameeyey Madaxtooyadii dalka looga talinayey odayaashoodiina Xukunkii si dadban iyo toosaba ugala wareegay.
3. labada marwo waxay awoodo buuxa siiyeen labada wiil ee ay sodohda u ahaayeen ama hablahay dhaleen qabay waa morgan iyo baashe
Siyaad Barre iyo Khadiija Macalin way bixiyeen qiimihii( They paid the price)micinuha way bixiyeen qiimihii waxa weeye wixii ay shacabkii ay maamulayeen ka galabsadeen way heleen inta lala dagaalamay ayaa afka ciida loo daray oo weliba inta wadankii laga eryey Qaxooti laga dhigay markaasey wadamo shisheeye darxumo iyo dulinimo ugu geeriyoodeen.
Siilaanyo iyo Amina Weris waxay hayaan dariiqii qodxanta badnaa ee holaca iyo naarta lahaa ee ay mareen kuna halaagsameen macalimiintoodii ay wax ka soo barteen ee Siyaad Barre iyo Khadiija Macalin dhinacna uma kala duwana waa walaalo isku mida oo kala bah. Waliba ku Darsoo Qoyska Madaxwayne Siilaanyo waxay Sii Dheeryihiin Qoyskii Siyaad Barre “Xirsi” oo isna ah Masiibo kale oo Somaliland ku Habsatay intii Siilaanyo Joogay.
Qarankan Somaliland waxaa madaxweyne loo doortay Siilaanyo,Qarankan hal 1 qof ayaa lagu ogyahay ,Dastuurka Qarankan waxaa ku qoran in hal qof oo keliyihi oo la doortay Madaxweyne noqon karo,Dastuurka meela kagama taal in qarankani laba 2 madaxweyne yeesho,Dastuurka qarankani ma sheegayo meelna ugama taal in Marwada madaxweynuhu tahay madaxweyne labaad,Dastuurka Qarankani ma jideyn mana sheegin in Qoyska Madaxweynuhu sida Marwada madaxweynaha,caruurteeda,wiilasha gabdhaha ka qaba iyo kuwa ay familiga yihiin ay yihiin hayada ugu sareysa ee qaranka oo ay awaamiirta iyo talada dalka qoyn karaan,Dastuurka Qaranka ma ogola mana yeelayo Dastuur labaad 2 oo Marwada madaxweynuhu jeebkeeda kala soo baxdo oo ay dalka ku maamusho.
Dulucda Qoraalka:-Saxaafadu runta kama xishooto.
Tan iyo maalintii Madaxweyne Siilaanyo loo dhaariyey Kursiga sharafta mudan ee ugu sareeye Maamulka Qaranka Somaliland waxaa ku lamaanaa Madaxweyne Labaad 2 oo aan sharciga iyo Dastuurku jideyn waa Amina Weris,islaantaasi waxay si toosa iyo si dadban ula wareegtay xukunkii dalka iyadoo isticmaalaysa awood aan Dastuurku jideyn meela kaga qorayn,waxay ku kacday Amar-ku-taaglayn,Musuqmaasuq(Xatooyo xoolo dadweyne),Eex,Qaraabo-kiil,qof jecleysi,qof necbeysi iyo in kaloo badan.
Amina Weris waxay Toos u xukuntaa Ciidamada kala duwan ee aan hoos ku soo sheegi doono.
1. Ciidanka Sirdoonka Qaranka.
2. Ciidanka RRU.
3. Ciidanka SPU.
Amina Weris waxay si dadban u xukuntaa khaasatan saraakiisha guud ciidamada kala duwan ee aan hoos ku soo sheegi doono:-
1. Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka.
2. taliska Guud ee Ciidamada Booliska.
3.Taliska Guud ee ciidamada Asluubta.
Xusuus:- Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdulqaadir oo hore u ahaa Gudoomiye ku xigeenkii kowaad ee kulmiye oo si sharci daro iyo fadeexda qoyska madaxtooyadu uga saareen kulmiye dhaawacyana gaadhsiiyeen,ayaa Amina weris mar labaad si kibir iyo cagajugleyni ku jirto ka reebtay dayuuradii uu raaci lahaa Mujaahid Cabdiraxmaan Madaarka berbera iyadoo Amina weris adeegsatay ciidamada ka amar qaata ee giroomada ama madaarada wadanka ka hawl gala.
Cabdiraxmaan Cabdilaqaadir wuxuu rabay in uu u safro cariga ingiriiska balse dayuuradii uu raaci lahaa ayaa waxaa xoog kaga soo dejiyey ciidamo hubeysan oo Amina weris ka amar qaata.
Amina Weris ha akhrido oo ha daalacato taariikhdii Saaxiibadeed Khadiija Macalin Xaaskii Maxamed Siyaad Barre,Qoyska madaxtooyada Siilaanyo ha daawadaan Filimkii laga duubay keligood taliyayaashan aan hoos ku sheegi doono wixii ay ku danbeeyeen iyo halaagii xanuunka badnaa ee ay la kulmeen.
1. Sadex-Alifle-Sare.Samuel Doe…..Liberia.
2. Nikolay Jesesko……………………Romania.
3. Qadaafi……………………………….libiya.
Qof kuu digey kuma dilin.
Related
COMMENTS
|
|