Maxay Dowladda Itoobiya ka tidhi Mowqifka Somaliland ka Qaadatay Sii- socoshada Wada-hadallada Somalia? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Dowladda Itoobiya ka tidhi Mowqifka Somaliland ka Qaadatay Sii- socoshada Wada-hadallada Somalia?
March 21, 2015 - Written by Editor:

Wasaaradda A/Dibadda Itoobiya oo shaacisay Waxyaabaha lagaga hadlay Kulan dhexmaray Wasiir Biixi iyo W/Dawlaha Khaarajiga Itoobiya

Addis Ababa (Wajaalenews)- Wasaardda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa sheegtay in Dowladda Somaliland u soo jeedisay inay soo-dhex-gasho wada-hadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya oo hakad ku yimi, kaddib markii laysku af-garan waayey shir ergooyin ka socda labada waddan bilowgii bishan ku yeelan lahaayeen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Shirka wada-xaajoodka Somaliland iyo Somaliya oo 1-dii ilaa 2-dii bishan March ka furmi lahaa magaalada Istanbul, ayaa burburay kaddib markii labada dhinac isku af-garan waayeen qodobbo ka horimanayo heshiisyo hore u dhexmaray oo dowladda Soomaaliya lagu eedeeyey inay burisay, kaddib markii ergada Soomaaliya lagu soo daray xubno dhalasho ka soo jeeda Somaliland, arrintaas oo ergada Somaliland u metelaysay wada-hadalladu ka biyo-diideen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo burburka ku yimi shirkaas kaddib socdaal ku tagay waddamada Kenya iyo Itoobiya oo uu kulamo kula qaatay Danjireyaasha waddamada daneeya Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay inuu kulan la qaatay Wasiirul-dowlaha wasaaradda Khaarajiga Itoobiya isla markaana uu kala hadlay sidii dowladda Itoobiya uga mid noqon lahayd beesha Caalamka oo Wasiirku ugu baaqay inay goob-joog ka noqdaan shirarka wada-xaajoodka labada waddan, arrintaas oo Xukuumadda Somaliland shuruud uga dhigtay shirar dambe oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya.

Haddada, Mareegta Internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya lagu baahiyey nuxurka waxyaabaha ay ka wada-hadleen labada masuul iyo mowqifka Xukuumadda Somaliland ee sii-socoshada wada-hadalada Soomaaliya oo ay dowladda Itoobiya kala hadashay, kaas oo lagu sheegay in Somaliland go’aansatay inaanay wadaxaajood dambe la yeelan Soomaaliya ilaa la helo dhexdhexaadinta beesha caalamka oo Itoobiya ku jirto.

“Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxa uu saadaaliyey in ururka IGAD noqon karo dhexdhexaadiyaha wada-xaajoodka, halka dalka Itoobiya noqon karto xalka labaad,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka lagu baahiyey bogga Internetka ee wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli usbuucii u dambeeyey xubno wasiiro ah oo wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi hogaaminayey socdaal shaqo ku tageen dalka Kenya, kulana kula yeesheen madax fara badan oo beesha caalamka, kulamadas oo Wasiirradu ugu sharraxeen mowqifka Somaliland ee la xidhiidha wada-xaajoodka Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in la helo dhexdhexaadinta beesha caalamka, oo la’aanteed aanay suurtagal ahayn inay dib uga qeybgasho Somaliland.

 

Himilomedia.com

COMMENTS
LINKS