|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaad Ka Taqaana Guddoomiyaha Cusub Ee Loo Magacaabay Bangiga Dhexe Ee Somaliland Wuxuu Laba Sanno Ka Hor Ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Soomaaliya .
March 15, 2015 - Written by Editor:Hargeysa (WAJAALE.news):– Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xallay (habeen hore) digreeto madaxweyne wuxuu u magacaabay guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland inuu noqdo Mudane Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali. Haddaba Waa Kuma Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali . Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali waa dhaqaale-yahan aqoonta bangiyada ku takhasusay, isla markaana u dhashay Somaliland, wuxuu ka soo jeeda magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, wuxuuna ka soo shaqeeyey haayado caalami ah oo ay ka mid yahiin Bangiga dunida, laanta lacagaha dunida u qaabilsan ee IMF iyo weliba qaramada midoobay. Wuxuu sidoo kale la soo shaqeeyey Bangiga Islaamka iyo bangiga horumarinta Afrika, wuxuuna shahaado Master Degree ku haysta culuumta maamulka baananka iyo dhaqaalaha. Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa u magacaabay Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali inuu noqdo guddoomiyahii bangiga dhexe ee Soomaaliya sannadkii 2011 kii xilkaasi oo uu hayey ilaa sannadkii 2013-kii, wuxuuna ahaa ninkii ku celiyey Shilingka Soomaaliga suuqa sicirka sarifka lacagaha. Wuxuu hayey xilka ilaa xukuumadda haatan Soomaaliya ka talisa ee Xasan Sheekh Maxamuud uu hogaanka u yahay, ka dib markii la aas aasay bangiga dhexe ee Soomaaliya isla markaana la unkay guddidii kormeerka deeqaha beesha caalamku siiso Soomaaliya, ayaa xilkaasi laga wareejiyey waxaana loo magacaabay Cabdisalaan Cumar oo hadda ah wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Mudane Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali ayuunba muddo dhawr bilood ka hor ah ka soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu xilkani la wareegaya isagoo aan muddo dheer kuba sugnayn gudaha Somaliland kana soo noqday dalkii Soomaaliya ee ay Somaliland madax banaanideeda sheegtay inay qaadatay 1991 kii. Magacaabistiisa Oo Ay Ku Soo Beegantay Iyadoo Guddoomiyaha Baanka Soomaaliya Sheegay In Baanka Soomaaliya Xarun ka Furanayaan Hargeysa Magacaabista guddoomiye Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalintii dorraad ahayd guddoomiyaha haatan ee baanka dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise uu sheegay inay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ka furanayaan laan cusub, waxaana isla shallay uun hadalkaasi beeninaayey guddoomiyahii xilka laga qadaay Mr. Dirir. Magacaabista Mudane Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali ayaa shaki badan gelisay dad badan oo reer Somaliland oo ay ka mid yahiin kuwa u ololeeya qaddiyadda madax banaanida Somaliland, kuna tilmaamay in magacaabistiisa lagu soo beegay xilli xasaasi ah, iyagoo calaamad su’aal saaraya inaan madaxweynaha Somaliland kaba daacad ahayn qaranimada Somaliland. Balse haddana markaad dhinaca kale ka eegto Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali waa nin khibrad iyo waayo aragnimo baaxadleh u leh shaqadiisa horumar balaadhana gaadhsiin kara hawlaha baanka dhexe, iyadoo dhawaana wasaaradda maaliyadda loo magacaabay wasiir cusub oo laftigeedu khibrad badan u leh hawlaha dhaqaalaha, isla markaana sumcad balaadhan ku dhex Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan. Magacaabistiisa ayaa ku soo beegmaysa xilli qiimaha sarifka shilingka Somaliland uu hoos uga dhacay lacagta dollarka, iyadoo uu halkii dollar marayo lacag ku dhaw 7,800 shiling Somaliland ah, isla markaana qiimaha nolosha iyo badeecadahu ay sare u socdaan, isla markaana sicir barar baaxadleh taabtay sayladaha iyo suuqyqada dalka . Related posts:War Deg-Dega-Masuuliyiintii Ka Xidhnaa Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani oo Xabsiga Laga Siidaayey. DAAWO: Ciidamada Dawlada Eritrea Oo Qabsatey Qeybo Ka Mid Ah Dalka Jabuuti Iyo Dagaalo Culus Oo Laga... “Yaa yidhi Lama Shiri Karo? In La Shiraa Waa Dhaqan? In La Shiraa Waa Diini? In La shiraa Waa Dastuu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|