|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Xilka Qaadis iyo Magacaabid ku Sameeyay Qaarkamida Safiirada Somaliland
March 31, 2015 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3129/032015 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey wakiilada Somaliland u fadhiya Dalalka Kenya iyo Jabuuti. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka Jabuuti & Kenya; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Kenya Nairobi Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Hargeysa
Mudane,
Waxa aan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay. Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.
Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Jabuuti Jabuuti Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Hargeysa
Mudane waxaan gartay in aan kaa aqbalo codsigaagii ahaa warqada shaqo ka fadhiisinta ee xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay. Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.
ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL. Related posts:Shil ka dhacay tareenka dhulka hoostiisa mara ee loo yaqaan Metro ayaa sababey dhimashada dad ka bad... Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Xadhig Xukuumadu Kula kacday Masuuliyin Xisbiga Katirsan. Halkan Ka Daawo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeisa Oo Ku Dhawaaqaya Xukunka Dadkii Ka Danbeyey D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|