|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Dawlad Degaanka Ethiopia Oo Maraykanka Lagu Soo Dhaweeyay iyo Shuruud Adag Oo Uu Ku Xidhay Wada Hadal ONLF Lala Galo
March 17, 2015 - Written by Editor:Mineapolis(Wajaalenews)-Madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa lagu soo dhaweeyay Maraykanka. Jaaliyadda u dhalatay DDSI, ayaa madaxweynahooda si diiran u soo dhaweeyay. Cabdi Maxamuud Cumar, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisu yahay sidii Jaaliyaddu u maalgashan lahayd dalkooda “Waxaanu u nimid in qurbejoogta ka soo jeeda Degaanka Soomaalida Ethiopia aanu kala tashano nabad galyada iyo maamulka suuban iyo inay maalgashadaan wadankooda, kuwii hore ee Maalgashadayna aanu ku nidhaahno waad Mahadsan tihiin” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar. Madaxweynaha DDSI,ayaa qurbejoogta ugu baaqay in dalkoodu nabad yahay islamarkaana ay ka jiraan fursado badan oo ay maalgashan karaan,iyadoo kuwii hore u maalgashadayna uu ku dhiiri galiyay inay sii wataan Maalgashigooda. Dhanka kalena waxaa wax laga waydiiyay Wada hadalo dawladda federalka Itoobiya la bilawday Ururka ONLF ee Ethiopia ka dagaalama siiba degaanka Soomaalida “Waxaanu ognahay inay marar badan wada hadalo ONLF bilaabeen haddana iyagii fashiliyeen, markaas wada hadal kastaa waxa uu ku xidhan yahay qaadashada Dastuurka Federalka ah ee Itoobiya ayaa Shuruud ka ah. Shuruuda koowaad, ta labaad iyo ta saddexaadba waa Dastuurka Itoobiya ee Muqadaska ah marka ay sida Kiniinka u liqaan, wada hadalku markaas buu ka dambeeyaa. Marka ay ku dhawaaqaan ee yidhaahdaan Dastuurka Itoobiya bilaa hadal iyo bilaa shuruud baanu ku qaadanay, markaas ayuu ka dambeeyaa in la wada hadlo” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar.
Related posts:Daawo:Maayarka Magaalada Berbera Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Nidaamka Cashuuraha D/hoose Eedaymo Culusn... Haayaada Cunada Aduunka ee Qaramada Midoobay ee FAO Oo Balan Qaaday In ay Xoolo Siin Doonto Beerahan... Xildhibaannada Gobolka Awdal Ugu Jira Golaha Wakiillada Somaliland Oo Sheegay Inaanay Dib U Aqbali D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|