|
|||||
WAJAALE NEWS
“Madaxdeenu ma waxay noqdeen dhir ka dhex baxday hudheellada waaweyn?!”
March 31, 2015 - Written by Editor:( Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim) Masuulkasta oo qarankan caydiga ah ; “Soomaalilaand,” xil u qabta waxaa saaran wajibaad shaqo oo looga baahan yahay inuu sidooda uga soo baxo kuna guto goortooda. Qarankastaba waxuu leeyahay saacaddo shaqo inkastoo badanaa (sideed saacaddood) la shaqeeyo. Hasayeeshee xukuumadda goortan hogaanka inoo haysaa waxay baahisay in shaqaalleheedu shaqayn doonaan (7:00.Am ilaa 2:00.Pm) taasoo noqonaysa sideed saacaddood. Waydiinta warcelinta u baahanni waxay tahay shaqaallaha xukuumaddu ma shaqeeyaan wakhtigaa aynu kor ku xusnay? Haddaanay shaqayna yay ahayd in ay kala xisaabtamaan?! Bal si fahankeedu heer-sare u noqdo aan si cilmayaysan u dhigno, saacaddaha shacabku xag u leeyihiin in shaqaallehu u shaqeeyo. Waxaan xaq u leenahay in “usbuucii 48 saacaddood la noo shaqeeyo,” “bishiina 192, Saacaddood,” “Sannadkiina 2304 Saacaddood” Halka afartii sanno ee xukuumaddu Majaraha dalka haysay aan uga baahnayn in masuul kastaba noo shaqeeyo “9216 Saacaddood.” Taa ka soo hor-jeedkeeda ayaa dhacay oo masuulku wuxuu ummadda u shaqeeyaa (laba saacaddood maalintii) celcelis ahaan muddo xileedka inta tagtay oo afar sanno ah wuxuu masuulkan iyo kuwa la halmaalaa inoo shaqeeyeen {2304 saacaddood} waxaanan uga baahnayn “9216 Saacaddood.” Haddii la kala jarano wakhtiguu qaranka ugu dhaartay inuu u shaqeeyo iyo wakhtiga uu shaqeeyay waxaan ku yeellannaynaa (6912 saacaddood) 6912 saacaddood ee ay inoo shaqayn lahaayeen, waxay ku lumaan hudheellada waaweyn dhexdooda, adduunkan waxa ugu qaalisan ee noole hanti ahaan u yastaa waa wakhti. Wakhtigu isagaa lacag ah, wakhtigu isagaa aqoon ah. Wakhtiga ayaa wax walba laga sameeyaa ama lagu sameeyaa, hadday tahay aqoon, adduun iyo aakhiro’ba. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|