Maayarka Gabiley Shucayb Iyo Xildhibaan Cabdilaahi Black Oo Si Qarsoodiya U Abaabulaya Dad Dhaleeceeya Marwo Samsam Islamarkaana Taageera Wasiir Samaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Gabiley Shucayb Iyo Xildhibaan Cabdilaahi Black Oo Si Qarsoodiya U Abaabulaya Dad Dhaleeceeya Marwo Samsam Islamarkaana Taageera Wasiir Samaale
March 11, 2015 - Written by Editor:

shucayb iyo balaaki
Gabiley(W.N):Maayarka dagmada gabiley shucayb maxamed muuse ayaa olole hoose wada oo uu ku abaabulayo in la dhaleeceeyo wasiirka maaliyada somaliland marwo samsam cabdi aadan isla markaana la amaano wsiirkii hore ee maaliyada cabdi casiis maxamed samaale ololahan oo maayarku lacag badan uu ku bixinayo islamarkaana uu u wado qaab qarsoodiya ayaa waxaa ku wehelinya oo mashruuca dabada ka wada xildhibaan cabdilaahi xuseen iimaan (balaaki)
maayar shucayb iyo xildhibaan balaaki ayaa ilaa shalay abaabulayay dad saxaafada ka dhaleeceeya wasiir samsam dadkaasi oo hadalo deelqaaf ah ku yidhi marwo samsam islamarkaana samaale si aad ah u amaanayay
Maayar shucayb ayaa waxaa arintan ku kaliftay inuu abaal badan oo uu ku lahaa wasiir samaale ku gudo qaabkan isagoo wasiir samaale ahaa ninkii xilkan maayarnimo saaray
Xoghayaha dawlada hoose cabdiraxmaan nuur abokor ayaa isaguna aan ka maqnayn mashruucan lagu bartilmaameedsanayo marwo samsam cabdi aadan
Maaha markii u horeysay ee maayar shucayb maxamed muuse sidan oo kale uu u weeraro wasiir ka tirsan xukuumada siilaanyo balse waxaa hore uu uga xidhay hoolka shirarka dawlada hoose wasiirkii hore ee ganacsiga maxamed cabdilaahi cumar waxaanu maayar shucayb marna aanu qarsan dagaalka uukula jiro garabka muuse biixi ee xisbiga kulmiye isagoo hiil iyo hooba la hareero taagan garabka cabdicasiis samaale
Si kastaba ha ahaatee wasiirka maaliyada somaliland marwo samsam cabdi aadan ayaa fadeexado badan iyo faramadhnaan kala kulmi doonta bulshada gabiley hadaanay arintan wax talaabo ah ka qaadin

COMMENTS
LINKS