Ma Madaxweyne Siilaanyaa Manaam(Riyo) Kula Hadlay Madaxweynaha Puntland Mise C/weli Gaasbaa Dafiray Raali-gelin uu Siiyey Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Madaxweyne Siilaanyaa Manaam(Riyo) Kula Hadlay Madaxweynaha Puntland Mise C/weli Gaasbaa Dafiray Raali-gelin uu Siiyey Somaliland?
March 29, 2015 - Written by Editor:

Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo ayaa khubadkad sanadeedkii dastuuriga ahayd ka hor jeediyey labada gole baarlamaan 28/3/2015-ka waxaanu madaxweyne Siilaanyo labada gole baarlamaan hortooda ka sheegay in uu xidhiidh la soo sameeyey oo uu khadka telefanka kula soo hadlay madaxweynaha puntland C/weli Gaas oo uu raali-gelin dawladda iyo shacabka Somaliland-ba ka siiyey khaladaadkii iyo hadaladii deel qaafka ahaa ee mudooyinkii u danbeeyeyba xukuumadda puntland ka soo yeedhi jiray.

Hase yeeshee waxa hadalkaasi madaxweyne siilaanyo ka soo yeedhay isla markiiba jawaab deg deg ah ka bixyey wasiirka warfaafinta ee puntland Mr indho Gudhan oo ah,afhayeenka xukuumadda puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkaasi uu sheegay madaxweyne Siilaanyo,isagoo si cad u sheegay in madaxweynaha puntland C/weli Gaas uusan si dadban iyo si toos ahba midnaba ula xidhiidhin madaxweyanha Somaliland Axmed Siilaanyo,isla markaana aysan jirin in madaxweynaha puntland C/weli Gaas uu khadka telefanka kula hadlay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo iyadoo wasiirka u hadlay puntland Mr Indho Gudhan uu ku tilmaamay hadaladii madaxweyne Siilaanyo kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Hadaba saaxiibayaal halkaasi marka ay taagan tahay su’aasha is weydiinta u baahani waxay tahay Ma Madaxweyne Siilaanyaa Manaam(Riyo) Kula Hadlay Madaxweynaha Puntland Mise C/weli Gaasbaa Dafiray Raali-gelin uu Siiyey Somaliland? ,hadaba akhriste ma is weydiisay sameyn diblomaasiyadeed oo intee leeg ayey arintani ku keeni kartaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo?, waxaanay dadka qoonta u leh arimaha diblomaasiyada ee caalamku sheegayaan in hadii madaxweyne Siilaanyo aanu arintan dhinac iskaga riixin ay sababi karto in umadda Somaliland iyo beesha caalamku ay rumaysan waayaan waxkasta oo uu sheego madaxweyne Siilaanyo,xataa hadii uu run sheegayo loona arko in uu waxan uu sheegayo manaam ama uu riyo ku arkay.

Waxaan hadalkaygii ku soo gabagabaynaa su’aal aan weydiinaayo madaxweyne Siilaanyo oo aan leeyahay madaxweyne Siilaanyo in aad adigu dhacdiidsatay dheregi waa daale iyo in ay qolo dhex taagan tahay ceelkii dhuri weyday labadaa mid iga dhaadhici oo run I dhagaysii.

Hadaba isku soo wada duuduuboo Ma Madaxweyne Siilaanyaa Manaam(Riyo) Kula Hadlay Madaxweynaha Puntland Mise C/weli Gaasbaa Dafiray Raali-gelin uu Siiyey Somaliland?

Qalinkii: C/risaaq Suudi Nuur

Tel: 4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

 

COMMENTS
LINKS