Laba Kamid ahaa Ciidanka Booliska Sucuudiga Oo Dablay Hubaysani Ku Dhaawaceen Gudaha Magaalada Riyad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba Kamid ahaa Ciidanka Booliska Sucuudiga Oo Dablay Hubaysani Ku Dhaawaceen Gudaha Magaalada Riyad
March 30, 2015 - Written by Editor:

Riyadh:(Wajaalenews) Laba kamid ahaa Ciidamada Booliska Dalka Sucuudiga, ayaa dhaawacyo la gaadhsiiyey, kadib markii kooxo Hubaysani Rasaar ku fureen Gudaha Magaalada Riyad.

sucuudiga 11

Sida uu sheegey afhayeen u hadley Boolisku, labadan Askari, ayaa dhaawacyo culus la gaadhsiiyey, waxana loola cararay dhinaca Cisbitaalka oo lagu dabiibayo.

Weerarkan ayaa imanaya kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga Mohammed bin Nayef uu ku dhawaaqey in la qaato tallaabooyin dheeraad ah oo amniga lagu sugaayo ciidamada Booliskuna kor u qaadaan joogitaankooda dariiqyada.

Tuhunka Falkan ayaa ku aroora inay ka dambeeyaan Shiicada waddanka Sucuudiga ku Nooli, iyadoo maanta lagu hayo inuu jiro hujuum xooggan oo Sucuudigu hoggaaminayo oo lagu qaaday Shiicada Xuutiyiinta waddanka Yemen.

Waxaa la aaminsan yahay in falkani yahay mid la xidhiidha duqeynta diyaaradaha dagaalka ee Sucuudigu ka wadaan Yemen. Shiicada dalka Sucuudiga ee ku badan bariga dalkaas ayaa marar badan fuliya weeraro caynkan oo kale ah.

Dhanka kale Sucuudiga ayaa qayb ka ah hawlgalka looga soo horjeedo kooxda Daacish kuwaas oo la aaminsan yahay in ay taageerayaal ku leeyihiin gudaha Sucuudiga.

COMMENTS
LINKS