Kenya Oo Albaabada U Laabtay Maqaaxi Chinese Ah Oo Nairobi Ku Taala, Kadib Markii Laga Mamnuucay Dadka Madowga Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kenya Oo Albaabada U Laabtay Maqaaxi Chinese Ah Oo Nairobi Ku Taala, Kadib Markii Laga Mamnuucay Dadka Madowga Ah
March 24, 2015 - Written by Editor:

CHINA KENYA
Nairobi(w.n):dowladda kenya, ayaa waxay xabsiga u taxaabtay mulkiilaha maqaaxi chinese, ah oo ku taala bartamaha magaalada nairobi ee xarunta Dalka Kenya. Sidoo kalana maqaaxida, ayaa albaabada loo laabay. Maqaaxida, ayaa waxaa 5-ta galabnimo laga mamnuucay dadka madowga ah, iyagoona loo sheegay inaanay imaan karin, sababo ku aadan si looga feejignaado in dad madow ah ay maqaaxida weeraraan. Milkiilaha oo lagu magacaabo esther zhao, ayaa xabsiga loo taxaabay saacado yar uun ka dib, markii uu wareysi siiyay jariirada the nation, oo ku hadasha afka dowladda kenya. Milkiilaha, ayaa wareysiga ku sheegay in tani ay ku khasabtay arrimo dhowr ah, oo ay ugu horeyso safaaradda shiinaha ku lee yahay nairobi oo ka digtay weeraro argagaxiso, oo maqaaxida lagu qaado. Maqaaxida oo sanadkii hore mar la dhacay, ilaa iyo hadana aan weli la aqoonsan cidda dhabta ah ee dhacaasi geysatay, laakiin la ogyahay in dad madow ah ay dhacaasi geysteen. Sidoo kale dadka madowga ah, ayuu sheegay inayba u arkayn kuwo halis ku ah inay sii shaqeyso maqaaxida, kolka la gaaro 5-ta galabnimo maalin kasta, sidaasi daraadeedna ay go’aankaasi u qaateen. Maalin khamiista ah, ayaa waxaa lagu wadaa in maxkamadda magaalada nairobi la soo taago esther zhao, iyadoo la fillaayo in dacwad oogayaasha ku soo ooggi doonaan midab kala sooc, inuu ku kacay. Bulshada kenya iyo dadka kale ee afrikanka ah ee nairobi ku nool, ayaa waxay barraha internet-yada ku soo qorayan ereyo ad adag, oo ka turjumaya sida ay kaga caroodeen go’aanka uu qaatay milkiilaha. Weerarada ay shabaabku ka geysanayan dalka kenya, ayaa dalkaasi ka abuuray caqabado.

COMMENTS
LINKS