ISKU SHAANDHAYNTII SIILAANYO OO SAAMAYN BAAXAD LEH KU YEELATAY XUKUUMADIISA IYO TIRO WASIIRO AH OO LAGA CABSI QABO INAY IS CASILAAN | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ISKU SHAANDHAYNTII SIILAANYO OO SAAMAYN BAAXAD LEH KU YEELATAY XUKUUMADIISA IYO TIRO WASIIRO AH OO LAGA CABSI QABO INAY IS CASILAAN
March 1, 2015 - Written by Editor:

cabdi-awdahir1
Hargaysa(W.N):- madaxwaynaha jamhuriyada somaliland mudane axmed maxamed maxamud siilaanyo ayaa habeenkii sabtidu soo galaysay niskii dambe abaaro labadii habeenimo sameeyay isku shaandhayn saamayn wayn ku yeelatay xubno kamida xukuumadiisa, madaxwaynaha aya aisku shaandhayntiisaas wuxuuu shaqadii wasaaradda maaliyada ka qaaday wasiir samaale isagoo u magacaabay wasiir samsam cabdi aadan halka samaale isna loo badalay wasaarada waxbaarashaddacabdi awdahir

cabdicasii samaale oo ka dareen celiyay xilka loo magacaabay ayaa meesha ka saaray sii haynta xilkaas isagoo sheegay inaan lagala tashan xilka cusub ee loo magacaabay islamarkaana aanu hada diyaar u ahayn kasii mid ahaanshaha xukuumadda siilaanyo

wasiirka oo la hadlayay bbc-da waxa kaluu sheegay inuu halgan wayn la soo galay madaxwayne siilaanyo islamarkaana uu saaxiib dhaw la ahaa madaxwyanaha balse wuxuu madaxwaynaha ku eedeeyay inaanu qadarin intaas midna balse iyadoon lala tashan xilkii wasaaradda laga qaaday loona badalay boos kale

wasiiro ay isku fikir dhaw ahaayeen samaale islamarkaana katirsanaa garabkii madaxwyanaha ee muuse biixi daciifiyay ayaa iyagu ka biyo diiday siyaasadan cusub ee madaxtooyadu la soo baxday iyadoo aad moodo inay awoodoodu kor u so kacayso garabkii taageersanaa gudoomiyaha kulmiye islamarkaana ay meesha ka sii baxayaan garabkii lidiga ku ahaa muuse biixi

wasiiradda u arka in loogu maahmaahay xilka qaadista wasiir samaale lagu sameeyay ee aan lagala tashan waxa kamid ah wasiirka warshadaha abiib timacad, wasiirka cadaaladda, wasiirka arimaha dibadda iyo wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha cabdi awdahir guud ahaan wasiiradani waxay ahaayeen kuwii tooska u weerari jiray muuse biixi xiligii ay xisbiga isku dhex hayeen madaxwayne siilaanyo

si kastaba ha ahaatee hadii ay wasiiradan aynu soo sheegnay is casilaan waxay xukuumadda somaliland ku keeni doontaa caqabad wayn maadaama oo xiligan lagu jiraa yahay wakhti kala guura.
waxayna saansaanteeda soo muuqanaysa in ay xukuumada siilaanyo marayso wakhtigii xukuumadii daahir rayaale ay raxanta wasiirada ahi iska casileen

COMMENTS
LINKS