Hoggaanka Kooxda Daacish Oo Waraaq Usoo Diray Dhiggoodda Al-shabaab Iyo Ujeedadda ay Xambaarsan tahay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoggaanka Kooxda Daacish Oo Waraaq Usoo Diray Dhiggoodda Al-shabaab Iyo Ujeedadda ay Xambaarsan tahay
March 8, 2015 - Written by Editor:

Mousil (Wajaalenews)-Dagaalyahannada Kooxda Daacish ee ka dagaallanta Dalalka Syria iyo ciraaq, ayaa Markii ugu horraysay Waraaq qoraal ah oo ku dalbanayaan wada-shaqayn usoo diray Dhiggooda Al-shabaab oo Somalia ka Dagaallama.

 

Waraaqda Kooxda Daacish soo dirtay, ayaa ciwaan looga dhigay, “Somalia dhulkii khilaafada Islaamka, Fariin kusocota Mujaahidiinta Somalia ”, waxana nuxurkeedu ahaa sidii labada kooxood u samayn lahaayeen midow rasmi ah oo dhexdooda ah.

Qofka Warqaddan soo diray ah Sheikh Hamel al-Bushra oo kamid ah Saraakiisha dhanka shuurada Dacish waxayna si toos ah ugu socotay hogaamiyaha sare ee Xarakatu shabab sheikh Ahmed Abuu-ubeyda.

Ilaa iyo 10 page ayey ka koobantahay fariintani Daacish ay Al-shabab usoo dirtay waxana hordhaceeda ku qoran kalmado amaan ah oo hogaamiyahan uu kusifeenayo dagaalyahanada Alshabab oo uu ku leeyahay waxaa tihiin jiilka Khilaafada Islaamka.

Ulaab-qaboojinta iyo bogaadinta weerarada Ashaab ee dowlada Somalia iyo AMISOM ka dhanka ah, hogaamiye Hamel al-Bushra ayaaa toos warqadiisa ugu guda galaya in uu kusoo bandhigo ujeedka uu qoraalkan ugu soo diray Alshabab.

“Waxaan udagaalamayno waa in sharciga alle la’isku xukumo cadowgana aynu kasaarno dhulka musliinta, sidaa darted Mujaahidiintu waa in ay ku midoobaan Khilaafo, waxaana ugu wacayaa walaaalaha Somalia in ay kusoo biiraan Khilaafada islaamka ee uu hogaamiyo Abu-bakar AlBaghdadi ,si looga dheeraado tafaraaruqa Muslimiinta” ayuu yidhi Hamel al-Bushra oo Dacish ka tirsan.

Gudaha warqada ayey Markale Dacish ka dhax sameeyeen ciwaan ah, “Aan fariin udiro Abuu-ubeyda iyo golaha shuurada xarakadu Shabab”.Waxayna kubilaabatay “Kuwa hore heshiiska ula galay Khalif Ibrahim waxay aad ula yaabanyihiin sababta aanay wali baycada iyaguna usiinin shiikha kooxaha kale ee caalamka, waxaan ogahay in ay u arkaan in heshiis la galo wax adag in ay tahay balse ma adka weyna ka fudutahay baycadu sida aad umoodiin ,wey ufududahay kuwa doonaya waddada saxan iyo in Alle daacad ay unoqdaan “ sidaa waxaa ku qoran warqada Dacish kasoo baxday ee lasheegay in loosoo diray Xarkada shabaab.

Kooxda la baxday dowlada Islaamka ayaa ku xustay warqadooda in ay ka warqabaan sida ay sheegeen in dadka Soomaaliyeed ay u oomanyihiin Khilaafada ka jirta wadamada Ciraaq iyo Syria in ay soo gaadho Somalia ayna adeecaan hogaamiyaha ISIS sheikh Abu-bakar Al-Baghdadi.

Sheikh Hamel al-Bushra oo ka tirsan hogaamiyaasha sare ee Dacish ayaa ku boorinaya hogaamiyaha guud ee AL-SHABAB in uu noqdo hogaamiyihii ugu horeeyay oo Muslim Somali ah kaa oo ku dhawaaqa in uu kubiiray dowlada Islaamka ee Ciraq iyo Syria .

Bishii February 9 2012 cod soconaye 15 daqiiqo oo uu soo duubay Amiirkii Shabab ee ladilay Sheikh Abu Zubair ayuu xiligaas ku cadeeyay in Al-shabab ay daacad u yihiin hogaamiyaha Al-Qaeda sheikh Ayman Aldhawaahiri.

Kooxda Dacish kama gabban in ay kahadasho Xidhiidhka ka dhaxeeya A-shabab iyo Al-Qaeda oo waxay kutilmaameen balanka Amiirkii hore ee Ashabab uu la galay Al-Qaeda mid aan sax ahayn.

“Arinta kusaabsan Heshiiska Al-Qaeda ee Alshabab kaliya waa heshiis dhanka dagaalka ah,lama micno aha heshiiskii rasmiga ahaa, ma’aha in loo tixgaliyo mida ay tahay in aad siisaan Khalif Ibrahim,sida uu hore uxusay Adiyatullah Al-Libi iyo sida lagu sheegay fadwada uu soo saaray hogaamiyihii geeriyooday ee Al-Qaedadaa Yemen sheikh Haris Al-Nadhari ” ayuu sii yidhi Sheikh Hamel al-Bushra oo fariinta usoo diray hogaamiyaha Xarakada Al-shabab.

Ugu dambeyntii Qoraalka Dacish kasoo baxay ayaa lagu yidhi , sida aad ku fikireesaan sheekadu waa ay ka fududahay ,waxaan idinka dooneyno waa in Mu’asasada dhanka warbaahineed ee Al-shabab ee AL-Kataib in ay soo saarto Fariin Maqal ah oo ciwaan looga dhigay “ Taageerada Somalia uga timid dowlada Islaamka”.Uuna ku xusanyahay Abu Ubaidah,uuna hogaamiyuhu kusoo gabagabeeyo in uu kubiiray dowlada Islaamka.

Fariintan Dacish ay usoo direen Xarakada Al-shabab ayaa timid saacado kadib markii kooxda Boko Haram ay ku dhawaaqeen in ay kubiireen kooxda Dowlada Islaamka ee Ciraaq iyo Syria iyadoo dad badan ay su’aal galinayaan macquul galka Shabaab in ay ku biiraan Faacish ama ISIL.

 

COMMENTS
LINKS