|
|||||
WAJAALE NEWS
Hoggaamiyihii Ikhwaanka ee Dalka Masar oo dil lagu xukumay
March 17, 2015 - Written by Editor:Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa dil ku xukuntay hoggaamiyaha ugu sarreeya ururka Ikhwaanul Muslimiinka, Maxamad Badiic. Waxaa lala xukumay 13 ruux oo kale oo iyaguna ka tirsan ururkaasi. Ikhwaanul Muslimiinka ayaa Masar laga mamnuucay kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamad Mursi. Badiic iyo taageerayaashiisa waxaa la sheegay in lagu helay dambi ah inay qorsheynayeen weerar ka dhan dowladda. Arrintan ayaa haatan loo gudbiyay muftiga dalkaasi, oo go’an ka soo saari doono. Maxkamad kale ayaa horey dil ugu xukuntay Badiic, balse waxaa gadaal dambe loo baddalay xabsi daa’im. Related posts:“Haddii Aynu Kala Guranay Soomaaliya Inaynu Sii Kala Socono Mooye Isku Soo Noqosho Dambe Ma Jirto..”... Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Ethiopia Oo Duulimaadyo Shaki Abuuray Ku Dul Haadaysa Deegaanka Xari... Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Warbixiyay Safarkiisii Jig Ji... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|