|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkii Uu Ka Bilaabmay Khilaafka Dalalka Masar Iyo Itoobiya, Iyo Dhacdooyinkii Qarnigii 19-aad. W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali
March 16, 2015 - Written by Editor:Markii faransiiskii dibada lo saaray ee laga adkaaday, waxa Boqortoyadi iyo maamulkii la wareegay ninkii lagu magacaabi jiray Labada dal ee Itoobiya iyo Masar, waxay lahayeen xidhiidh dheer oo ku siman qarniyo. Waxa labada dal ka dhaxayn jiray xidhiidhyo dhinacyo badan leh sida xidhiidh ganacsi, mid siyaasaddeed, iyo sido kale xidhiidh diimeed oo ay waddaagi jireen labada dal. Xidhiidhyadaas kala duwana ee ay lahayen labada dal, waxa ay wax iska badaleen, markii la soo gaadhay sannadkii 1798kii. Tani waxay ka dambaysay, markii dalka Masar ay qabsadeen Faransiisku, waxanay siyaasadii labada dal iyo xidhiidhkii u yeeshay waji kale. kuma si warin faransiisku sii joogintanka dalka Masar, balse waxa muddo gaaban kadib ay ciidan ka tirsan dawladii Cusmaniyintu ay dibada uga sareen oo ay caydhiyeen sannadkii 1801-dii. ka saaristii Faransiiska laga saarray Masar, waxay awood iyo magac siisay Boqortoyadii Mamulik ee Masar.
Soo bixitaankii Mohamed Ali. Markii faransiiskii dibada lo saaray ee laga adkaaday, waxa Boqortoyadi iyo maamulkii la wareegay ninkii lagu magacaabi jiray Mohamed Ali sannadkii 1805-tii. Mohamed Ali, waxa u samaystay Boqortooyo iyo maamul u gaar ah, waxanu yeshay awood, waxanu sido kale balaadhiyay maamulkiisi isago gacanta ku dhigay guud ahaan dalka Masar. Bilowgii khilaafka labada dal ee Masar iyo Itoobiya Markii uu Mohamed Ali la wareegay Boqortooyadii, sidoo kalana uu yeshay awood ciidan iyo mid dhaqaale, waxa uu go’aan ku gaadhay inu balaadhiyo maamulkiisa. Wakhti yar kadib, waxa ay Masar qabsatay dalka Sudan sannadkii 1821kii. Markii ay Masar ay qabsadeen dalkaas, waxa Boqortoyadii Sudan ka jirtay ee Funj, ay kala hor timid ciidankii Masar dagaal iyo iska caabin, balse taasi may celin ciidankii ay lahayd Masar ,si fududna waxa ay ku jabiyeen ciidankii Boqortoyadii Funj, waxanay gacanta si buuxda ugu dhiggeen dalka Sudan. Masar waxay ka talinayeen dalka Sudan ilaa laga soo gaadhayo sannadkii 1880kii , waktigaas oo awood lagaga sarray dalka Sudan. Haddaba, qabsashada ay qabsadeenMasar dalkaSudan, waxay dareen galisay dalka Itoobiya oo ay wax badan ka dhaxeyeen dalka Sudan, sidoo kalana ay waddaagaan xad. Arrintani waxay galisay daren cadho leh Itoobiya, iyado sido kale dareen ka qabtay inay Masar damaacido goobo ka mid ah dalka Itoobiya gaar ahan dhulka ku yaala xuduudka. Ariintani waxay ahayd bilowgii khilaafka labada dal. Haddaba Masar, iyaga oo ka fa’idaysanaysa saldhigi ay ku lahaayeen Sudan, waxay damceen inay qabsadaan gobolo ka mid ah kuwa ku yaallay xadka ay la waddagaan Itoobiya dalka Sudan sida Semen, Dembiya, iyo sido kale Benishangul. Itoobiya, marka horraba way ka daren qabtay ujoodoyinka iyo arrimaha u qarsoona Masar. wakhtigaas dawlada Itoobiya, may lahayn dawlad dhexe,iyo maamul oo adag toona. Madax dhaqameedyadii iyo dadkii ku nolaa gobahaas ka tirsana dalka Itoobiya, waxay go’aansaden inay iska celiyaan iskana cabiyaan oo ay ka hor tagaan ciidanka kaso gudbay xadka ee ugu yimid goobiii ay daganayeen. Masar waxay kala kulantay iska caabin dadyowgi ku nolaa koonfurta sida gobolada Dejack, Wube, Semen. Si kasta o ay ahataba, iska cabintaasi may noqon mid keenta xal, mana ay noqon mid joojisa awoodi ciidanka Masar, iyo inay kaso gubaan xadka. Dagaladan iyo dulaanka Masar, waxa ya ku keentay xasilooni daro dawyowgii ku nolaa gobaahas ku yaalay xadka labada dal ee Sudan iyo Itoobiya. Colaaddii labada dal, waxay sii socotay ilaa iyo laga soo gaadhayo wakhtigii uu Itoobiya haystay Boqorkii la oran jiray Tewoderos 2. Wakhtigaasna waxa uu Boqorkaasi sameyay siyaasad cusub, iyo isago dib u habayn balaadhan ku sameeyay cidan baahsan, si uu u joojiyo una muquniyo awooda Masar. Nasiib daro, si kasta oy ahaataba, Tewoders wuxu dhintay isaga oon xalin, guulna ka gaadhin arrinta Masar. Tariikhahaas aynu kor ku xisnay ka hor, labada dal horre umu dhexmarin khilaaf iyo dagaallo, waxayanay lahayeen xidhiidh adag, balse wixii wakhtigaas ka dambeeyay, xidhiidhka labada dali muu ahayn mid fiican. Dulaankaas ay Masar kuso qaaday dhulka Itoobiya , waxay ahayeen bilwogii khilaafka labada dal dhex maray, iyo halka ay kaso bilaabmatay khilafyayada so noq-noqda ee u dhaxeya labada dal ee Itoobiya iyo Masar.
Tixraac. Ethiopian History .(M.f) Senior Student at New Generation University College Addis Ababa, Ethiopia
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|