Guriga Dabaq ah oo mudo Labo sano ah Dhismihiisu Socdey Xarunta Dawlada Hoose Ee Gabiley oo Maanta Jiingadii la Saarey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guriga Dabaq ah oo mudo Labo sano ah Dhismihiisu Socdey Xarunta Dawlada Hoose Ee Gabiley oo Maanta Jiingadii la Saarey
March 14, 2015 - Written by Editor:

Gabiley(Wajaalenews)Guri Ka Kooban Laba Dabaq Oo Loo Dhisayo Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Deegaanka Iyo Maamuulkooda Oo Ay Hirgalinayaan Haayadaha Qaramada Midobay Ee Ku Hoboobay Mashruuc JPLG Ee Lagu Caawiyo Dawladaha Hoose Ee Dalka. Gurigani Oo Dhagax Dhigay Madaxweyne Siilanyo Markii Uu Ka Qayb Galey Dufacadii Koowaad Ee Ka Qalinjabisay Jaamacada Timada-Ade Ee Gobolka Gabiley Wakhtigaasi Oo Ay Ku Beegney Octobar2013. Markaasi Ka Dib Oo La Bilaabay Dhismihiisa, Oo Mudadaa Labada Sano Iyo Badhka Ahna Uu Soo Jiitamayey Dhismihiisu ,Ayaa Sanadkanka Cusub Ee 2015kii Gabogabo Kudhaw. Mudadaa Labada Sano Iyo Badhka Ee Uu Gurigani Qabyada Ahaa Una Cadilnaa Lacagtii Kabka Ahayd Ee Ay Dawlada Hoose Kaga Qayb Qaadaneysay Gurigani Oo Shuruudu Ahayda Ina 8% Ay Bixiso Lacagta Ku Baxaysay, Taasi Oo Ay Dawlada Hoose Awoodi Weydey Bixinteeda Dalabna Waydiisatey Shirlada Isgaadhsiinta Ugu Balaadhan Somaliland Ee Telesom, Taasi Oo Shirkadu Dalabkoodii Ka Aqbashay Ugu Deeqdey Lacag Dhan $6000, Oo Saamaxdey Inay Gurigii Qabyo Tirito, Gurigani Dabaq Ah Ee Jiingada Lasaarey Ayaa Soo Jiitey Indhaha Dadweynaha Ku Dhaqa Magaalada Gabiley Oo Dadweynahuna Aad U Hadal Hayaan, Maadaam Dawlada Hoose Ay Tahay Degmada Labaad Ee Ugu Dakhliga Badan Somaliland Lana Filayey Inay La Tartanto Degmooyinka Kale Ee Dalka Ee Faceeda Ah Oo Ku Talaabsadey Waxqabadyo Toro Beeley Oo Xukuumada U Riyaaqdey, Isku Soo Wada Duuboo Degmada Gabiley Ayaa Hada Ku Jirtaan Go,Doon Waxqabada Oo Dhinackasta Ah Oo U Baahan Gurmad Degdeg Ah Oo Gudo Iyo Dibada Ah, Maadaam Xukuumada Ay Matalayeen Ee Ku Shaqada Lahayd Ay Faraha Ka Laabatey Duruufaha Qalafsan Ee Ku Gadaaman Magaalada Gabiley, Iyada Oo Mudooyinkii U Danbaysay Taageeradii Ku Xuukumadu Ku Lahayda Gobolka Gabiley Ay Faraha Ka Baxdey Iskuna Badashay Mawjado Taageera Xisbiyada Mucaaridka Ah, Waxaaney Dadweynuhu U Dhagtaagayaan Talaabooyinka Ay Xukuumadu Qaado Bilaha Soo Socda.

COMMENTS
LINKS