Guddoomiyaha Tog-Wajaale Oo Sifo Sharci Daro ah Maxkamadda Gobolka Gabiley Kaga Siidaayay 2 Eedaysane Oo Aasay Qayb Ka Mid Ah Balay Ay Bulshadda Degmaddaasi Ka Cabto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Tog-Wajaale Oo Sifo Sharci Daro ah Maxkamadda Gobolka Gabiley Kaga Siidaayay 2 Eedaysane Oo Aasay Qayb Ka Mid Ah Balay Ay Bulshadda Degmaddaasi Ka Cabto
March 25, 2015 - Written by Editor:

Arrintan Oo Xiisad Ka Abuurtay Magaaladda Wajaale, Fadeexad-Wayna Ku Ah Xukuumadda Siilaanyo

Guddoomiyaha Wajaale

Hargeysa, (Wajaalenews) – Guddoomiyaha Degmadda Tog-wajaale Xaashi Muxumed Cabdi ayaa sifo qayrul-sharci ah ugu mashquulsan sidii uu maxkamadda gobolka Gabiley uga furdaamin lahaa laba nin oo eedaysanayaal ah oo lagu haysto ka dib markii ay aaseen qayb ka mid ah balay uu leeyahay muwaadin reer Somaliland ah, isla markaana ay ka cabaan qayb ka mid ah bulshadda magaaladda Wajaale.

Labadan nin oo ayaa markii ay ku kaceen ficilkan ay ku aaseen dhaamkaasi ay dhalisay khilaaf horleh oo ka dhex-qarxa dadkii mulkiyada dhulka uu ku yaala iska lahaa iyo labadaas nin oo sida ay Haatuf u sheegeen dad xogogaal ahi gacan-saar la leh guddoomiyaha degmadda Wajaale Xaashi oo markii horena kula socday falkaas, ilaa imikana dagaal ka galay sidii uu maxkamadda uga furdaamin lahaa ee ay uga badbaadi lahaayeen xukun ku dhaca eedaysanayaashaasi.

Ragan Balayga aasay oo la sheegay inay ka mid yihiin guddida magaaladda ayaa markii hore iyagu ku doodayey in Mulkiilaha dhulkaasi oo AHN dhintay lana odhan jiray Axmed Kooshin uu siiyey qayb ka mid ah balaygaasi dad aan la garanaynin, isla markii ay arrintaasi u socon-waydayna ay arrinta soo faro-galisay maxkamadda gobolka Gabiley ay wakhtigaas u xukuntay Mulkiyadiisa Abokor Axmed Xuseen (Kooshin) oo uu dhalay AHN marxuumkaas dhintay isla markaan u helay qayb ahaan dhaxalkii aabihii.

Sidoo kale dhawaan ayey ahayd markii uu garoon ku yaala magaaladaasi uu Guddoomiyaha degmadda Tog-wajaale mr Xaashi isagoo kaashanaya guddida magaaladda oo ay wada shaqaystaan iyo wasiirka daakhiliga uu isku dayey inuu sifo sharciga baalmarsan ugu tagri-falo oo uu ganacsato ka iibiyo ka dibna ay arrintaasi soo faro-galisay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo wakhtigaasi ahayd wasiirka waxbarashadda, ayna falkaasi isku khilaafeen wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancade, aakhirkiina ay ku guulaysatay inaan dhulkaasi la faasaxin.

Dhinaca kale labadan eedaysane ee aasay Balayga ayaa iyagu khasaare laxaadleh u gaystay, taas oo keeni karta xiisad colaadeed haddii ay labada eedaysane bixin-waayeen khasaaraha ay u gaysteen balaygaasi, taas oo arrinteeda ay faraha ku hayso wakhtigan maxkamadda gobolka Gabiley.

Source:Haatuf.

COMMENTS
LINKS