Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliya oo ku Gacan-saydhay Go’aan ka soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sababta ka dambaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliya oo ku Gacan-saydhay Go’aan ka soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sababta ka dambaysa
March 15, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho,(Wajaalenews)- Golaha Adeegga Garsoorka Soomaaliya, ayaa sharci-darro ku tilmaamay go’aan uu Madaxweynaha dalkaasi Xasan Sheekh Maxamuud ku kala diray Golahaas oo uu ku eedeeyey caddaalad-darro baahsan in dadweynuhu ka tirsanayaan, hase-yeeshee, waxay ku doodeen inaan kala-dirista Madaxweynuhu sharciga iyo dastuurka dalkaas waafaqsanayn.

CAYDIID-CABDILLAAHI-ILKA-XANAF-300x174

Shir aan caadi ahayn oo ay Sabtidii shalay xarunta dalka Soomaaliye ee Muqdisho ku yeesheen siddeed Xubnood oo ka tirsansan Golaha Adeegga Garsoorka Soomaaliya, ayay ku buriyeen, isla markaana sharci-darro ku tilmaameen Digreeto Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku kala diray Golaha Adeegga Garsoorka.

Shirkan aan caadiga ahayn oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Adeegga Garsoorka ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdillaahi (Ilka-xanaf), waxa ay kaga hadleen Xubnaha Goluhu sharcinnimada Digreetada uu Madaxweyne Xasan Sheekh soo saaray ee uu Golahaas ku kala diray, taasoo ay ku tilmaameen inay tahay qayrul-sharci.

“Halkan waxaa taalla Digreeto uu soo qoray Madaxweynaha Soomaaliya ee hallaga hadlo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Adeegga Garsoorka Soomaaliya oo kulankaas furay, iyadoo dood dheer ka dib Goluhu u soo saaray qodobbo gaadhayey illaa iyo lix qodob, oo u dhignaa sidatan:-

“1: In Golaha Adeegga Garsoorku ka mid yahay 3-da tiir ee Qaranku ka koobanyahay. 2: In Digreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya aaney waafaqsanayn Dastuurka Jamhuuriyadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

3:In aanu jirin Dastuur ama sharci Madaxweynaha awood u siinaya in uu kala diro Golaha Adeegga Garsoorka ama Gole kale oo Qaran. 4:In marka wax Garsoor ku saabsan laga hadlayo sida Dastuurku dhigayo Madaxweynuhu uu helo oggolaanshaha Golaha Adeegga Garsoorka, xitaa magacaabista Xeer-ilaaliyaha iyo Ku-xigeenkiisa.

5: Haddii lagu kaco ama lagu dhaqaaqo tallaabo Garsoorka la xidhiidha oo aan lagala tashan Golaha Adeegga Garsoorka, waa qayrul-sharci xitaa haddii Goluhu yahay mid Ku-meel-gaadh ah.”

Waxa kale oo qodobbada Shirka ka soo baxay in Golaha Adeegga Garsoorka ee hadda jira sii wadayo illaa laga dhisayo Gole cusub,iyadoo Digreetada Madaxweynuhu uu soo saaray oo cuskaday in jiritaanka Golaha aanu waafaqsanayn Dastuurtka dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Qoraalka Digreetada Madaxweyna Soomaaliya ku kala diray Golaha Adeegga Garsoorka, waxa uu u dhingaa sidan:- “Madaxweynaha J.F.S. Markuu arkay: Qodobbada 4-aad 87-aad ee Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah; markuu arkay: qodobka 143-aad ee Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah; Markuu Garawsaday: Baahida loo qabo in la dhiso Gole Adeeg Garsoor oo waafaqsan qodobka 109A ee Dastuurka: markuu arkay Sharci lambar 28 ee soo baxay 8/7/2014 ee dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka: Markuu tixgeliyey: Cabashada joogtada ah ee dadweynaha ee caddaalad-darrada baahsan: markuu tixgeliyey danta guud ee Caddaaladda: Wuxuu Xeeriyey qodobka: 1-aad.

Laga bilaabo taariikhda uu Madaxweynuhu saxeexo Xeerkan waxaa la kala diray Golaha Adeegga Gasoorka ee aan dhismihiisu waafaqsanayn Dastuurka Ku-meel-gaadhka iyo Sharciga dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.

Qodobka 2-aad: Xeerkan ma saamaynayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo iyagu Xafiis ahaan uga mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka. Qodobka 3-aad Xukuumadda iyo Golaha Shacabka waa inay si deg-deg ah u soo dhammeeyaan dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka

COMMENTS
LINKS