Guddoomiyaha Gobolka Marood-jeex Ee Xisbiga WADDANI Oo Si Kulul U Canbaareeyay Weeraradii Dicisoobay Ee Lagu Qaaday Masuuliyiin Xisbiga WADDANI Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Gobolka Marood-jeex Ee Xisbiga WADDANI Oo Si Kulul U Canbaareeyay Weeraradii Dicisoobay Ee Lagu Qaaday Masuuliyiin Xisbiga WADDANI Ah.
March 26, 2015 - Written by Editor:

War-saxaafadeed

Guddomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md . Siciid Muuse Bustaale wuxuu si adag u canbaaraynayaa, isagoo ku Haddlaya magaciisa ka hoggaanka gobolka maroodi-jeex iyo tageerayaasha gobolka falkii bahalnimada ahaa ee lagu weeraray Md. Barkhad Jaamac Xirsi Batuun,oo horay u ahaa la -taliyihii arimaha waxa lagu sheegay dadka la hayb-sooco,taas oo lagu yasaayo Beel reer somliland ah ,ka dib markii uu ka biyo diiday Mudane Barkhad maamul xumada boobka hatida umada iyo musuqmaasuqa xukuumadda Siilaanyo uu iska casilay xilkii magac u yaalka ahaa ee beesha loogu bixiyey magaca hayb-sooca ,kaas oo aflagaado iyo cay ku ahaa beelweynta Gabooye uu si geesinimo leh isaga casilay xilkaasi

ty

ka dib Isagoo hoggaaminaya madax dhaqameedkii siyaasiyiintii aqoonyahaynkii dhalinyaradii Beesha Gabooye ay ku soo biireen Xisbiga WADDANI

Haddaba Xukuumadda KULMIYE aya qaaday talaabooyin hinaase ah ,Oo Ay ku dhalin habaabinayso mawqifka Beesha Gabooye

Hoggaanka Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodijeex wuxuu Canbaraynaa Falkaasi Bahal nimada ahaa ee  Dhalinyarada la soo abaabulay ku qaadeen Mudane Barkhad Jaamac Xirsi Iyo weliba falkii kale ee lagu weerar isna Xoghayaha Dalxiiska Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Maroodi-jeex

Md. Siciid Muuse Cabdi (Bustaale)

 

COMMENTS
LINKS