|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Degaanka Cardiff Oo Somaliland Aqoonsanaya
March 22, 2015 - Written by Editor:Cardiff(Wajaalenews) Somaliland Xornimadeedii waxa ay kala soo noqotay Somalia 1991kii,taas oo ay halgan dheer u soo gashay, isla markiiba 18kii bishii may 1991kii waxa ay ku dhawaaqday Dawladnimo madax-bannaan oo leh dhammaan Haykalkii iyo Shuruucdii Dawladnimo. Waxaana aynu ognahay in madaxwenaha Somaliland mudane Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo uu yahay madaxweynihii 4’aad ee lagu soo doortay doorasho distooriya oo xalaal ah. Waxa filan-waa noqotay in Somaliland oo dawlad ahayd muddo 23 sano iyo dheeraad ah, in aanay wax Aqoonsi Diblomaasiyadeed ah ka helin Dawladaha Caalamka iyada oo mudadaasba baadigoobaysay sidii ay aqoonsi (ictiraaf) uga heli lahayd. Haseyeeshee waxa kale oo aynu ogsoonahay in ay Somaliland la leedahay xidhiidh wada shaqayn oo wacan oo dhinacyo badan saameynaaya. Anaga oo qodobkaa ka duulayna ayaa Jaaliyada Reer Somaliland ee ku nool Gobolka Cardiff ay isku waajibisay in ay arintaas “Aqoonsiga Somaliland” ay ka qaadato kaalinteeda, ayna sameysay gudi ilaa 15 xubnood ka kooban oo loo xilsaaray in ay aqoonsiga ka raadiyaan Golaha Degaanka ee Cardiff. Arrintan Aqoonsiga oo aanu muddo ilaa sanad ku dhow ka shaqeynaynay oo geed sare iyo geed gaabanba aanu u fuulnay sidii aanu uga jibakeeni lahayn oo hadda midho dhalisay, xildhibaanada Golaha degaankuna ay ogolaadeen in ay cod ku meel-mariyaan arrintan “Aqoonsiga Somaliland” 26ka bishan March 2015. Sidaas darteed haddii aanu nahay Jaaliyadda Reer Somaliland ee Cardiff ku nool, waxa aanu halkan bogaadin iyo salaan farxadleh uga diraynaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo iyo Marwada-Kowaad Amina Weris Sheikh Mohamed Jirde, Madaxweyne ku-xigeenka Abdirahman Abdillahi Ismail Saylici iyo Marwo Rahma Xaji Muxumad Suldaan, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, xisbiyada qaranka iyo dhammaan shacbiga Somaliland meel kasta oo ay aduunka ka joogaan. Waxa aanu leenahay dhamaantiin farxad iyo rayn-rayn nagula ciida bishan March 26keeda 2015.
Guul iyo Gobanimo Allaa mahad leh Gudida Aqoonsi- raadiyaasha ee Jaaliyadda Reer Somaliland Cardiff. – Related posts:Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Gabiley, Kana Hadlay Xadhiga Wariye ... “Siilaanyo Waxa Lagu Ridi Karaa 42 Cod, Cabdiraxmaan Cirrana Waxa Lagu Ridi Karaa 55 Cod,Waxaa Labad... Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Ka Hor Yimid Qoraalkii Madaxtooyada Soomaaliya Ka Soo Saartay Kulankii ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|