Go,aankii Samaale Ku Diiday Xilkii Loo Magacaabay iyo Suuhdigii La Mariyay Siyaasiyiintii Ka Horeeyay Qeybtii5aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Go,aankii Samaale Ku Diiday Xilkii Loo Magacaabay iyo Suuhdigii La Mariyay Siyaasiyiintii Ka Horeeyay Qeybtii5aad
March 10, 2015 - Written by Editor:

Bilowga Qormadeenii shanaad hadeynu dib ugu noqono Raaqiya Cabdilaahi Oomaar oo iyadu aheyd qofka ay ka bilaabantey isbarshada Marwo Samsam iyo Aamina Waris

aamina-warissamsam

Hargeysa(Wajaalenews)-Bilowga Qormadeenii shanaad hadeynu dib ugu noqono Raaqiya Cabdilaahi Oomaar oo iyadu aheyd qofka ay ka bilaabantey isbarshada Marwo Samsam Cabdi Aadan(Wasiirka Lbada Wasaaradood ee Waxbarashada iyo Maaliyada),iyo Marwo Aamina Waris Maxamuud Jirde, waxaana dadka xogogaalka u ahi sheegaan in ay Raaqiya iyo Samsam wada lahaayeen Ngo,gii CCS (Waxan ka cudurdaaranayaa Qormada hore waa Doorashadii Golaha Wakiilada kadib marii la weerarey Xaruntii Dalada Xuquuqal Insaanka ee Shuuro.net),xiligii ay isla jaanqaadeen iyadoo Aamina Waris markii shaqada loo diiday Hay,adii Care international 2006dii Xukuumadii hore ee Udub waxa Samsam oo hogaamineysay,Hay,adaasi CCS ay ka howlgalisay Mashruuc ku aadanaa Wacyigalinta Hiv/Aids arimahaasi iyo kuwa kale oo badani waxey daaha ka rogayaan in Marwo Samsam Cabdi Aadan awood badan kuyeelato talada uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo.xirsi

 

Marka dib loogu noqdo in Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaga laf ahaantiisu Madaxweyne Siilaanyo iyo Qoyskiisa lasoo qaatey halgan adag oo naf ityo maalba leh uu lasoo kowsadey aasaaskii Xisbiga Kulmiye bilowgii ururada Siyaasada ee Sanadkii 2002dii ayaa, dad badani u tirin jireen in uu kamid yahay deyrka Madaxweyne Siilaanyo kaga gudbanaa Marwo Aamina Waris iyo Marwo Samsam,taas oo ay fursad uga heleen in kaabadaa adag lagaga gudbo Xubno kale oo katirsan Golaha Xukuumada oo iyaguna aragti ahaan, fikirkan la qabey labada haween ah kuwaas oo ay kamid yihin Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi Xirsi Xaaji Cali Xasan(Wasiirka Madaxtooyada),Xildhibaan Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan),inkastoo ay xiligan dad badani aaminsan yihiin in Xirsi ka warhayay oo kaliya in Saaxiibkii Samaale la xero weydaarinayo haseyeeshee, aanu saamayn iyo talo midna ku laheyn halka dadka qaarkiina aaminsan yihiin in uu raali ka ahaa in laga furfuro Samaale dhegta Madaxweynaha taas oo mudo badan dagaalkeeda lagu mideysnaa balse loo caalwaayay,Sikasta oo ay arimahan yihiin hadana waxaan meesha ka maqneyn in xiligan wali miiska ay ayaalaan, Isku badel iyo xil ka qaadis kale oo la damcasanaa in laga daba keeno tii hore ee Saamaynta taban ku yeelatey Golaha Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo taas oo raga unuunka laga jarayaa ay u calaamadsan yihiin xaawaleyda kuwaas oo la tuhunsan yahay in ay kamid yihiin ragii saaxiibka la ahaa Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo kuwii uu kusoo darey Golaha Xukuumada, oo iyagu ka dhago fureystey in ay maraan wadadii uu marey Saaxiibkoodii Salaanka Siyaasada Soo saarey…..Lasoco Qeybta Lixaad.

CABDIRAXMAAN NUUX HIIRAAN

 

COMMENTS
LINKS