|
|||||
WAJAALE NEWS
Faalo: Isku Shaandhayta Joogtada Ah Iyo Dhibta Ay Dalka Ku Hayso-W/Q Xamse Baashe Muxumed (Shaadhey)
March 2, 2015 - Written by Editor:“Maqaal(Article) kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa” Sida aan ka warqabno waxa dhawaan Madaxweyn siilaanyo Sameeyey isku bedel, Magacaabis iyo Shaqo ka eryid qaar ka mid ah Xubnaha sarsare ee Dalka, Haddaba dib iskugu shaandhayntan oo noqonaysa tii shanaad ee Intii uu xilka hayey Madaxweyn siilaanyo uu sameeyey ayaa hal-hayskeedu wuxuu ahaa “Sunaha Dawladnimo Waxa ku jira In Markasta oo isbedel yimaado wasiiro cusub iyo guddi cusub lugu soo darro dawlada” Haddaba ma ogtahay muwaadin in Mas’uul kasta oo xil qabtaa ka fikiraayo Goorta Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka qaadi doono, Sidoo kale ma ogtahay in Mas’uul kasta oo Oo ku soo biira xilka xukuumadu uu yahay mid cusub oo U baahan wakhti iyo kharash uu kula qabsaddo maamulka dalka ka jiray iyo sida uu uga shaqayn lahaa goobtaas xilkeeda lugu wareejiyey. Sida caqliga fayow iyo Quluubta saalixa ahi tilmaamayaan waxaan dareemi karnaa in mar kasta oo isbedelka iyo isku dhalan gediska Mas’uuliyiintu uu bato waxqabadka iyo Hanaan socodka Horumarineed ee Dalka iyo shacabku u baahan yihiina uu dib dhacaayo, Bal malla-awaal Marka mas’uul xil hayey isaga oo Hawl maalmeedkiisii ku jira isla markaana, qorshaystay inuu qabto hawlaha u yaala, samaystay shax sida uu shaqadiisa ugu kala muddan yihiin, Laga soo dul tuuro warqad Habeenimadkii Uu Maddaxweynuhu farsameeyey, Waxa Halkaas ka imanaaya dib u dhac iyo in shaqadii qorsho la’aani ku dhacdo, Halka mas’uulka la keenayna Isaga laf ahaantiisu ay ku qaadanayso la qabsashada goobta la keenay iyo shaqaalaha jooga, isla markaana qorshayaashii u yaalay Mas’uulkii hore waxa dhici karta inuu laalaabo oo kuwo kale oo fikirkiisa ah keeno, isla markaana ay jahawareer ku noqoto Dalkii iyo dadkii. Mida kale ee runtii muddan in la taabto waa Xaga Xil kaqaadistan joogtada ah ee Dalka ka dhacday, Isla markaana aynu odhan karno mas’uul kasta oo xil ka qabta xukuumadu waxa uu ka fikirayaa, goorta ama Habeenka Madaxweyne siilaanyo xilka ka qaadi doono, isla markaana tani waa mid ku kelifaysa maadaama oo aynaan lahayn Hantidhawr adag oo daba gal ku sameeya Mas’uuliyiinta xilka haysa, Isla markaana ayna jirin gole baarlamaan oo si sharci ah ula xisaabtama Mas’uuliyiintan in Hantidii iyo Maalkii bulshada shacabka ah ee Danyarta ahi Ku dhacdo jeeb khaldan oo ah ka faa’iidaysi inta xilka uu hayo Kolley Berri waa laga qaadi doonaaye Haddaba Su’aasha is weydiinta mudan ayaa waxay tahay Maxaa ku tallo gal ah oo shacabka u dan ah, Misana Haddii sidan ay ku sii socoto oo xukuumad kastaa sanad walba wasiirada iyo masuuliyiinta bedelaan Dalkan rajadiisa horumarineed maxay noqon kartaa? Taasi runtii waa mid dhabar jab ku noqon doonta horumarka dalka Mr-Hamse Bashe Muhumed E-mail: Xamse18@gmail.com www.facebook.com/shaadhey BBA/Accounting and Finance Hargeysa Somaliland
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|