Dowladda Igiriiska oo ka fal-celisay Aqoonsiga Golayaashooda Deegaanka Ee Somaliland oo Qaarkood Diyaar-garow ku jiraan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Igiriiska oo ka fal-celisay Aqoonsiga Golayaashooda Deegaanka Ee Somaliland oo Qaarkood Diyaar-garow ku jiraan
March 28, 2015 - Written by Editor:

Cardiff,(Wajaalenews)- Cardiff oo ka mid ah magaalooyinka ay ku nool yihiin jaaliyadaha ugu badan ee Somaliland, ayaa damaashaad balaadhan ka dhacay, ka dib markii golaha deegaanku meel mariyey mooshin ay ku aqoonsaden Somaliland isla markaana ugu soo jeediiyeen xukuumada Ingiriiska iyo Welsh-ka ee Boqortooyada UK inay aqoonsadaan madaxbanaanida Somaliland.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa siyaabo kala duwan wax uga qoray go’aankii Khamiistii Dorraad ka soo baxay Fadhigii Golaha deegaanka Cardiff iyo damaashaadkii Jaaliyadda Somaliland oo intii kulanku socday bannaanka hore ee Golaha deegaanka ka damaashaadayey, iyada oo magaalada Cardiff noqotay magaaladii labaad ee dalka UK ee aqoonsada Somaliland, waxaana ka horeeye golaha deegaanka Sheffield oo sannadkii hore cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland.

Wargeysyada CARDIFFIAN iyo Wales Online oo ka mid warbaahinta ugu faca weyn dalka Britain, ayaa warbixin ka diyaariyey go’aanka golaha deegaanka Cardiff ku aqoonsaday Somaliland.

“Afar wasiir oo ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa goobjoog ka ahaa codeyntii golaha deegaanka Cardiff, lana wadaagay damaashaadka boqolaal ka soo jeeda dalka oo degan magaalada,” Sidaas waxa warbixin kooban oo xambaarsan xo-waraysiyo uu la yeeshay xildhibaannadii ka qayb-galay codeynta mooshinka ka diyaariyey wargeyska UK-foreign-officeCardiffian oo ka soo baxa magaalada Cardiff.

Wargeysku waxa uu soo xigtay hadal ay jeedisay xildhibaan Lynda Thorne oo iyadu soo abaabushay mooshinka. “Jaaliyadda Somaliland ee magaaladu waa udub-dhexaadka Cardiff. Muddo dheer ayey beesha caalamku iska indho-tireen, laakiin way ka leexanayaan Cardiff iyo Wales,” Sidaas ayey tidhi xildhibaan Lynda oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalah ee dalka UK.

“Intaan soo degnay Cardiff magaalo kale maanu u guurin, waan jecelnahay. Bulshada reer Somaliland ee halkan degan muddo dheer ayey joogeen, taasoo macnaheedu yahay inay qiimo u leedahay. Aqoonsiga Cardiff waxuu keenayaa in beesha caalamku ku baraarugaan aqoonsiga, isla markaana taageeraan,” Sidaasna waxa Rooda Xuseen oo u ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee UK oo wargeysku soo xigtay.

Jariiradda Walesh Online, ayaa iyaduna soo qaadatay dedaaladii Somaliland u soo martay Aqoonsi raadinta iyo ololeyaal ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo xilligan ka socda magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Ingiriiska.

“Xukuumada Somaliland ayaa sannadihii u dambeeyey ku jirtay olole ay ku baadi-doonayso aqoonsi caalami ah, taasoo Madaxweyne Axmed Siilanyo, sannadkii hore sheegay inay dhiirigelinayso dhaqdhaqaaqa aqoonsi raadiska Scotland iyo Catalonia,” ayaa lagu sheegay.

Dhinaca kale, Xildhibaan Mohammad Maroof oo hore uga tirsanaan jiray golaha deegaanka Sheffield, isla markaana ahaa xildhibaankii bilaabay aqoonsi Somaliland ka hesho golayaasha deegaanka Ingiriiska ee Cardiff iyo Sheffield ayaa sheegay, “Waxaan abuurnay kooxo u ololeeya sidii Somaliland oo ahaan jirtay maxmiyad Boqortooyada Britain inay xubin buuxda ka noqoto wadamadda Barwaaqo-sooranka. Waxaan doonaynaa inaan fariintaa gaadhsiino baarlamaanka, annagoo diyaarinayna codsi ilaa boqol kun oo saxeex wata, si arrinkaasi looga dodo baarlamaanka.”

Dhinaca kale, Xukuumadda Raysalwasaare David Cameroon ayaa ka dareen-celiyey Aqoonsiga golaha deegaanka Cardiff u fidiyey Somaliland, baaqa ay u jeediyeen iyo mowqifka dowladda Ingiriiska ee aqoonsiga Somaliland.

Afhayeen u hadlay wasaarada Arrimaha Dibedda Ingiriiska, ayaa u sheegay Wargeyska Guardian oo wax ka weydiiyey aqoonsiga Cardiff, ayaa ka gaabsaday gebi ahaanba inuu kahadlay, waxaanu yidhi, “Mowqifka Ingiriisku waa in Somaliland iyo Soomaaliya xal ka gaadhaan arrinka Somaliland, wadamada gobolkuna taageeraan waxa ay isla gaadhaan.”

COMMENTS
LINKS