Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka degmada Arabsiyo oo eedo u jeediyay guddoomiyaha degmadaas codsina u diray badhasaabka gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka degmada Arabsiyo oo eedo u jeediyay guddoomiyaha degmadaas codsina u diray badhasaabka gobolka Gabiley.
March 11, 2015 - Written by Editor:

Dhalinyarada iyo aqoonyahanka degmada Arabsiyo oo eedo u soo jeediyay guddoomiyaha degmadaas codsina u diray badhasaabka gobolka Gabiley.
GUD ARABSIYO

Arabsiyo(W.N):Dhalinyaro iyo aqoonyahan ka soo jeeda degmada Arabsiyo oo la soo xidhiidhay mareegtan Wajaale ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha degmadaas inuu sifo aan sharci ahayn u maamulayo hantidii qaran ee degmadu lahayd. Waxa kale oo ay baaq u direen badhasaabka gobolka Gabiley oo ay ka codsadeen inuu wax ka qabto awoodaha dawliga ah ee guddoomiyaha degmada Arabsiyo sida qaldan u isticmaalayo.waa sida ay hadalkoodu u dhigeene
Aqoonyahankan iyo dhalinyartan oo qoraal soo gaadhsiiyay xafiiska wararka ee wajaalenews ku leedahay Arabsiyo ayaa wuxuu u dhignaa qoraalkoodu sidan:
Anagoo ah dhalinyaro iyo aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Gabiley gaar ahaan degmada Arabsiyo waxaanu ugu horayn baaq u diraynaa badhasaabka gobolka Gabiley anagoo ka codsanayna inuu wax ka qabto isticmaalka qaldan ee guddoomiyaha Arabsiyo ku hayo awooda xafiiska uu fadhiyo.
Qaladaadka marag ma doonta ah ee guddoomiyuhu galay waxa ka mid ah
A)::mashruucii biyo-galinta dugsiyada hoose-dhexe ee Arabsiyo iyo Agamsaha oo ay maalgalisay hay’ada turkiga ah ee Nile academy oo ay fulinaysay dawlada hoose ee Arabsiyo oo si badheedh ah loo lunsaday.
B):iIbintii qolka cashuuraha ee dawlada hoose ee Arabsiyo oo laga iibiyay ganacsade ree Arabsiyo ah heshiiskii la galayna uu ahaa mid aan cadayn hadeerna muran ka taagan yahay.
Iyo ugu danbayntii tan ugu weyn ee naga qaylisiisay oo ah xaruntii tobabarada beeralayda Arabsiyo oo dhismaheedii iyo qalabkii dhex yaala uu guddoomiyuhu ku wareejiyay shaqsiyaad wax heshiis ah oo la galayna aanu jirin .
Hadaba anagoo ixtiraam weyn ugu hayna badhasaabka gobolka Gabiley dhagaysiga dhawaaqyada shicibkiisa waxaanu ka codsanaynaa inuu sida ugu hufan ee ugu degdega badan leh u soo faragaliyo arrintan isla markaana dib u eego maamulka dawlada hoose ee
degmada Arabsiyo.
LIISKA DHALINYARADA:
1. Mahad Yuusuf Obsiiye
2.Cabdisalaan aw cali cabdilaahi
3.Maxamed Cumar Cismaan
4.ibraahim maxamuud sugaal
5. Naasir Maxamuud Geele
6.Axmed Ciise Cawaale

wajaale news
arabsiyo Office

COMMENTS
LINKS