Cukuse Waxaan Ku Xasuustay Kacaankii Afweyne Bare Qalinkii Cali xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cukuse Waxaan Ku Xasuustay Kacaankii Afweyne Bare Qalinkii Cali xaraaro
March 24, 2015 - Written by Editor:

Madax weynihii jamhuuriyada dimuqraadiga somaliya, Hogaamiyihii Xisbigii Hanti wadaaga kacaanka somaliyeed, Gudoomiyihii Golehii Sare ee kacaanka isla markaana Taliyihii guud ee Ciidamada qaranka somaliyeed Jaale maxamed siyaad bare, ayaa u qudbadeeyey xisbigii hanti wadaaga kacaanka somaliya hadalkiisii dheeraa wuxuu ku soo gunaanedey kacaanku waa tareen dhawr meelood ayuu is taagayaa ninkii ka dega loo joojin maayo ka dibna waxa si deg deg ah isu taagey nin aad u dhawaaqaya waxaanu yidhi jaale, madax weyne ninka aan isba lahayn ka deg laakiin laga tuurayo maxaad odhan lahayd dabeeto jaale siyaad ayaa intuu yara hakaday yidhi jaale xagan u soo dhawoow yaa kaa tuuraya tareenka dabeeto ninkii oo baqanaya ayaa eegey halkii ay fadhiyeen ragii awooda badnaa ee golaha sare markaa suu jaale siyaad isna halkii eegey dabeeto intuu yara dhoola cadeeyey yidhi jaalayaal haduu xejistey tareenka dee iska daaya

waxaan uga socdaa waxa la ii sheegey in wasiir cukuse habeen dhaweyd uu tegey qasriga madax tooyada kulana kulmay Axmed siilaanyo iyo inta uugu awooda badan kacaanka beeleysan ka dibna uu cabasho dheer ku cawday oo yidhi anigu isma lihi cidbaa kaa daacadsan habeen kumaan seexan debeda ayaa laguu tuuri laakiin waa la isii wadaa, garana maayo cida hawsha wada ka dibna Axmed siilaanyo ayaa yidhi waar haduu hawshiisa ku filan yahay iska daaya.

Cali Cismaan Libaax

COMMENTS
LINKS