Ciidanka gurmadka Dad- Damiska Somaliland Oo Ay Soo Wajahday Jahwareer Maamul Iyo Mushahar la,aan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka gurmadka Dad- Damiska Somaliland Oo Ay Soo Wajahday Jahwareer Maamul Iyo Mushahar la,aan
March 13, 2015 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) Ciidanka nabad galyada ee gurmadka dad- damiska oo ay soo wajahday jahwareer maamul xumo iyo mushar la,aan la kowsatay mudadii uu jiray ciidanku. Haayada ciidanka nabad-galyada dab dabdamiska oo muddo sanad ah jirtay isla markaana ka shaqaysa hawlaha gurmadka ee masiibooyinka daminta dabka ,ayaan helin mudadii ay jirtay hogaan maamul iyo maamul ku xigeen majaraha u qabta habsami socodka hawlaha ciidanka dab damiska iyo daryeel la ,aanta shaqaalaha ka hawl gala xaruntaasi.

 

CIIDANKA DABDAMISKA SOMALILAND

 

Horaantii sanadkii tagay 2014ka ayaa madaxwaynaha Somaliland Axmed siilanyo digreeto ku magacaabay ciidanka nabad gal-yadda qaranka oo uu sheegay in ay ciidankaasi ka hawl gali doonaan hawlaha gurmadka Afooyinka dab daminta. Inkastoo muddi ay shaqaynayeen shaqlaaha ka hawl gala ciidanka dad damiska ay qabteen shaqo aad u mihiima oo bulshaddu ku diirsatay iyaga oo adeegsana gaadiidka lagaga hortago meelaha dabku ka koco ee loo yaqaan dab-damiska,haddana waxa soo wajahay caqabado badan oo ay ka mid yihiin hogaan maamul oo aany lahayn ciidanka dab-damisku iyo dhaqaalo xumo aad u baahsan. qaar ka tirsan shaqalaha dab-damiska oo ka cudurdaartay in magacooda la shaaciyo ayaa u xaqiijiyey shabakada warka wajaale news inaanay helin wax mushahara mudadii sanadka ahayd ee ay shaqaynayeen,marka laga reebo waxogaa guno ah oo ay bixiso dawlada hoose Hargaysa. Shaqalaha ka hawlgala xarunta, oo tiradoodo gaadhayso 80qof ayaa si ku meel gaadha ugu shaqeya dawlada hoose ee hargaysa,inkasta oo ay jirjo xarun cusub oo loogaq dhisayo nawaaxiga shacabka Area gaar ahaan haayada shaqalaha dawlada meel aan ka fogayn oo dhisme uga socdo haddan dhismahaasi ayaa in muddo aha hakad ku yimid isla markaana istaagay wakhtigan. Ciidanka dab-damiska ayaa madaxwaynaha ugu baaqay in la daryeelo shaqalaha aan mushar koodii hellin muddada sanadka ah isla markaana gurmad dag edga loo soo diro haayada dab-damiska

 

Wariye maxamuud cali muuse

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS