Ciidamadda RRU-da iyo Laanta Socdaalka oo Hargeysa ku qab qabtay kooxo looga shakisan yahay inay maleegayeen Qaraxyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamadda RRU-da iyo Laanta Socdaalka oo Hargeysa ku qab qabtay kooxo looga shakisan yahay inay maleegayeen Qaraxyo.
March 14, 2015 - Written by Editor:

Waxa socda baadhitaano kale oo lagu beegsanayo dad kale oo xidhiidh la leh kooxdan

Hargeysa(Wajaalenews) Ciidamadda RRU-da iyo Laanta socdaalka ayaa maalmihii u danbeeyey Hargeysa ku qab qabtay Afar nin oo ku kaa sugnaa Xaafaddo iyo Huteelo ku yaala Hargeysa, kadib markii ay dadweyne ka shakiyey u gudbiyeen hay’addaha Amniga. Shalay abaara sagaalkii subaxnimo ayay ciidamadda RRU-du xaafadda Isha Borama ka qabteen nin muddo lagu daba jiray, kaasoo la sheegay in uu qol ka kiraystay guri albaab gaar ah leh, halkaas oo uu ku farsamaynayey walxaha qarxa.

Dad goob joog ahaa markii la qabanayey ninkaasi ayaa waaheen u sheegay in qoyska guriga ka kireeyey ninkani ka shakiyeen kadib-na u gudbiyeen ciidanka macluumaad ay ka ururiyeen intii uu guriga ku jiray, iyadoo ay ciidanku ka soo saareen markii ay qabteen karaatoon qalabka qaraxyada lagu farsameeyo ah oo ay qoysku sheegeen in uu habeen oo dhan samayn jiray.

 

Ciidanka ayaa isku weer ka qabtay guriga sida a sheegayna waxa uu isku dayey inaanu furin albaabka hase yeeshee markii uu arkay in aanu haysan fursad uu ku baxsado waxa uu si Nabadgelyo ah u furay albaabka isagoon wax dhibaato ah geysan.

Si rasmi ah looma oga ninkani meesha uu ka soo jeedo hase yeeshee waxay dadweynaha xaafaduu sheegeen in uu sheegtay in uu Reer Somaliland yahay balse waxa cadaatay in uu ka soo jeedo Somaliya.

Dhinaca kale, Ciidanka Laanta Socdaalka ayaa iyana habeen hore Hotelka Imperial ku qabtay laba nin oo kale oo midkood Reer Puntland yahay halka ka kale-na Koonfurta Somaliya ka yimi, waxaana la sheegayaa in goor habeenimo ah lala baxay, kadib markii sida warku sheegayo labada nin in muddo ah lagu daba jiray dhaqdhaqaaqooda. Laanta Socdaalka ayaa labada nin ba u gudbisay ciidanka baadhista danbiyada C.I.D-da waxaanay ciidanku ku hayaan baadhis, inkasta oo ay wararka hordhaca ahi sheegayaan in la hayo xogo dheeraad ah oo muujinaya inay ku lug lahaayeen falal amni darro.

Waxa kale Todobaadkii Hore Badhtamaha Magaalada hargeysa Lagu qabtay Nin isana muddo Baadhis Ciidamada Sirdoonku ku hayeen, Ninkaasi oo ku sugnaa Agagaarka Fooqa Oreintel Hotel ee Badhtamaha Magaalada kaasi oo ay qabteen Ciidamada RRU-da oo Wakhti Barqo ah oo Hawlgal ka fuliyey Suuqa hoose ee Hargeysa.

Ninkan ayaa Markii Danbe Ciidamadu qabteen isaga oo isku dayey in uu ka Baxsado basle Ciidamada RRU-du ku guulesyteen in ay gacanta ku dhigaan.

Qab qabashada kooxaha laga shakiyo iyo hawl-galada ciidamadda kala duwan ee Amniga ayaa hoos u dhacay bilihii u danbeeyey, waxaana soo baxaya warar sheegaya in kooxo badan oo la tuhmayaa ku soo bateen magaalooyinka Somaliland. Sidoo kale, Maamul Goboleedka Puntland ayaa la sheegayaa in uu khatar ugu jiro inay kooxaha xag-jirka ahi la wareegaan. Si kasta ha ahaatee, qab qabashada Afartan nin iyo cabsida jirta wali ciidamada Amnigu kamay hadal wallow ay ku jiraan dabagal dheeraad ah.

 

COMMENTS
LINKS