Buuxinta Jagooyinka Wasiiradda Is-casilay oo laga yaabo in loo qaado jiho cusub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Buuxinta Jagooyinka Wasiiradda Is-casilay oo laga yaabo in loo qaado jiho cusub
March 8, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa (Wajaale News):- Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Warshadaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa la sheegayaa in loo magacaabayo qaar ka mid ah dhalinyaro aqoonyahano ah oo degaaankaas ka ssoo jeeda oo hore aan saaxadda siyaasadda ugu jirin balse saamayn xoog leh ku leh deegaanadaas.shalay kulan saacado qaatay oo dhex maray dhalinyaradaas iyo madaxtooyadda Soomaalilaan oo aanu ka helnay ilo-xog-ogaal ah ayaa sidaas tibaaxay. Talaabadan ayaa hadday dhacdo noqonaysa tallaabo dhiirasho leh iyo jiho cusub oo madaxwayne u qaaday dhismaha xukuumad kasban karta kalsoonida shacabka reer Somaliland gaar ahaan gobolka gabiley oo ah udub-dhexaadka taageeradda xisbiga Kulmiye.

Xubnahan la filayo oo dhamaantood kasoo jeeda beelaha kala duduwan ee gobolkaasi dega ayaa la sheegayaa inay xukuumadu ku qanacday aqoonta iyo khibrada ay u leeyihiin jagooyinka ay baneeyeen wasiiro kasoo jeeda gobolkaasi oo dhawaan iska casilay xilalkaasi.

Xukuumada ayaa ka dhex xulatay liis magacyo iyo araaji ay usoo gudbiyeen xukuumada isla markaanay xilal dhawr ah u magacawday intii ay ku qanceen inay buuxin karaan boosaska banaanaaday iyo kuwo kale oo la filayo in hadda la magacaabo.

Qaar ka mid ah gudidaasi aqoon-yahanka Gabiley oo aanu arintaasi wax ka waydiinay xilalka wasiirada ee loo magacaabay gudidaasi inay wax ka jiraan iyo in kale ayaa noo xaqiijiyay in kulanka ay la galeen madaxtooyada Soomaliland   laakiin aanay wali hubin xilalka loo magacaabay; sheegayna in haddii ay jiraan magacaabistaasi ay diyaar u yihiin inay qabanayaan aqoon iyo khibradna u leeyihiin dhinacyada dhaqaalaha, maamulka iyo nidaamka dawladuhu u shaqeeyaan, iyagoo sidoo kale xusay horeba uga shaqayn jireen danta guud isla markaana ay diyaar u yihiin inay hawlaha dhismaha qaranka Soomaaliland ka qayb-qaadanayaan haddii ay taasi noqonayso ka mid noqoshada xukuumada iyo haddii kaleba

Siday tibaaxeen ilo-wadareedyo madaxtooyada u dhuundaloola ayaa sheegaya in xukuumadu doonayso inay u baydho dhinaca dhalinyarada iyo aqoonta looga baahan yahay masuulka loo magacaabayo xilka dawladu inay is waafaqaan, iyadoo dhalinyartana badankoodu sitaan shahaadooyinka jaamacadaha heerka labaad ee loo yaqaano Master Degree-ga ay ku diyaariyeen dalal kala duduwan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay cabsi wayn ka muujiyeen siyaasiyiin damac kaga jiray in loo magacaabo wasaaradahaasi oo codsiyadooda hore madaxtooyadu u haysay, kuwaasi oo dadwaynaha reer Gabiley hore usoo arkeen waxqabadkooda isla markaana aanay ku faraxsanayn in dib loogu soo celiyo masuuliyiin ay hore u saluugeen kartidooda siyaasadeed.

Halkan kala Soco Wixii Warar kasoo kordha xubnaha loo magacaabay wasiirada cusub ee gobolka Gabiley.

Wajaale News Office

Hargesia Somaliland

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS