|
|||||
WAJAALE NEWS
Beesha Caalamka oo ka hadlay Mawqifkooda Qabsoomidda doorashooyinka Somaliland Iyo Wakhtiga Ay filayaan In Aanay Dhaafin
March 4, 2015 - Written by Editor:Addis Ababa, (Wajaalenews)- Beesha caalamka, ayaa ka hadashay mawqifkooda la xidhiidha qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee qorshaysnaa inay badhtamaha sannadkan ka dhacaan Somaliland, isla markaana sheegay inay iman karaan dib-u-dhac farsamo marka loo eego shuruudo ka horreeya qabsoomidda doorashada oo weli aan la fulin. Waaxa Sidaa u sheegay Wargeyska Himilo Dublamaasi u dhashay dalka Ingiriiska oo qeyb ka ah waddamada dhinaca dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ka taageera Somaliland. Ms Lizzie Lovett oo Safaarada Ingiriiska ee Caasimadda Itoobiya u qaabbilsan arrimaha Siyaasadda iyo xidhiidhka UK la wadaago Somaliland, ayaa sheegtay inay jirto shuruud ku xidhan si dalkeedu uga qeybgalo wada-xaajoodyada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya Ms Lovett oo Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsani shalay wax ka weydiiyey in Ingiriisku diyaar u yahay ka qebgalka wada-xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, oo hore Xukuumadda Somaliland u sheegtay inay doonayaan sidii waddamo kale goob-joog iyo markhaati uga noqon lahaayeen, ayaa ku jawaabtay; “Mawqifka Ingiriiska ee la xidhiidhka ka qeybgalka wada-xaajoodka waxa uu ku xidhan yahay helitaanka heshiis saddexda dhinac Somaliland, Soomaaliya iyo Turkigu isku waafaqsan yihiin.” Mar la weydiiyey sida beesha caalamka, gaar ahaan waddamadda ka taageera doorashooyinka Somaliland u arkaan in doorashooyinku wakhtigooda ku dhacaan, marka loo eego wakhtiga kooban ee hadhay iyo inay weli Guddiga Doorashooyinka Somaliland ku wargeliyeen qorshe uga meelyaal, ayey ku jawaabtay; “Guddiga Doorashooyinku weli nooma soo caddeyn qorshaha uga meel yaal qabsoomidda doorashooyinka, laakiin, waxaan qabaa inay si weyn ugu hawlan yihiin.” “Beesha caalamku waxay xiisaynaysaa in doorashooyinku wakhtigooda ku dhacaan, weliba sannadkan gudahiisa. Waan qabaa inay iman karaan dib-u-dhac farsamo oo la xidhiidha marka loo eego shuruudo ka horreeya qabsoomidda doorashada sida diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo weli aan la fulin.” Sidaa ayay tidhi Ms Lovett. XIGASHO Himilomedia.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|