Aqoon-Yahan Xamse C/Raxmaan Khayre Oo Ka Mid Ah Ragga Ugu Fadalka Cad Ee U Guntaday Buuxinta Booska Bannaan Ee Labada Wasaaradood | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqoon-Yahan Xamse C/Raxmaan Khayre Oo Ka Mid Ah Ragga Ugu Fadalka Cad Ee U Guntaday Buuxinta Booska Bannaan Ee Labada Wasaaradood
March 13, 2015 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews)Muddadii ka dambaysa markii uu is casilay Wasiirka Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) ayaa waxa Isa soo tarayay Dad tiro badan oo u hanqal taagay inay buuxiyaan Kursigaasi.XAMSE KHAYRE

 

Waxana jira in Hankaasi uu galay Rag tiro badan oo qaarkood ay yihiin Siyaasiyiin hore Xilal uga soo qabtay Somaliland, halka qaarkoodna  yihiin Rag waawayn oo Muddo soo jiray. Sidoo kale, Waxa kale waxa jira Niman Dhallinyaro ah oo uu ka mid yahay Aqoon-yahan Xamse C/raxmaan Khayre. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Xamse C/raxmaan Khayre uu ka mid yahay Ragga ugu cadcad ee la filayo in dhawaan loo Magacaabo Wasiirka Warshadaha Somaliland isla markaan ay buuxiyaan Jagadaasi bannaanaatay.  Aqoon-yahan Xamse C/raxmaan Khyare, ayaa ka mid ah Dhallinyaradda Aqoon-yahanka ah ee Somaliland kana mid ah Ragga ay isku hayb dhaw yihiin Wasiirkii hore ee Warshadaha Somaliland. Waxana wararku sheegayaan in Xamse C/raxmaan Khayre uu Maalmihii ugu dambeeyey kulano kala duwan oo kala gaar ah uu la lahaa Odayaasha, Dhallinyarada iyo Aqoon-yahanka Beeshiisa isla markaana kulanadaasi ahaayeen kuwo lagaga wada hadlayay sidii Kursigaasi loo Magacaabi lahaa Aqoon-yahankan Da’da yar ee Xamse Khayre.

 

Xamse C/raxmaan Khayre ayaa ka mid ahaa Dhallinyaradii Aas aastay Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO, isaga oo inta badana ka dhex muuqan jiray Meelaha lagaga hadlayo Horumarinta Dhallinyarada Somaliland. Xamse C/raxman ayaa ku jiray Dhallinyaradii SONYO ee ku guulaystay inay meesha ka saaraan Qodobkii Caqabada ku ahaa inay Dhallinyaradu isku soo sharaxaan Golayaasha Deegaanka iyo Baarlamaankaba, ka dib markii ay dedaalo iyo kulano kala duwan la yeesheen Shir-guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada arintaasi khusayso ee ku jira Golahaasi. Sidoo kale, Xamse C/raxmaan Khayre ayaa ku jiray Guddidii Gacmaha isku saaray labadii garab ee dhawaan khilaafka wayni dhex maray ee Hogaanka SONYO.

 

Qaar badan oo ka mid ah Dhallinyarada Reer Somaliland gaar ahaan Reer Hargeysa, ayaa si wayn u soo dhaweeyey Hankiisa buuxinta Kursigaasi, iyaga oo sheegay inay Xamse C/raxmaan ku ogyihiin Aqoon iyo Waayo aragnimo balaadhan oo uu ku soo kordhin lahaa Wasaaradaasi. waxaanay ku majeerteen dedaalo iyo karti balaadhan oo ay uga barteen Shaqsiyadda Aqoon-yahankaasi. “Mr. Hamse wuu u qalmaa in loo dhiibo wasaarad alla wasaarada ay noqoto waa qof ay ku dhiirigaliso inuu xil ama shaqo qabto aqoonta uu u leeyahay siyaasada, halka qolooyimkii bakhti sugayaasha ahaa looha bartay in xilka ay ku dhiirigaliyaan inuu qabto arimo shakhsi oo ay ka mid tahay qabyaaladu” sidaasi waxa yidhi Aqoon-yahanka Da’da yar Axmed Sheekh Nuur Ducaale. Sidoo kale, Abwaanka Da’da yar iyo Suxufiga Caanka ah ee Sidiiq Maxamed Burmad oo ka hadlayay aragtidiisa Xamse C/raxmaan khayre, ayaa waxa uu yidhi “waa midkamida dhalinyarada aqoontana leh, adoonsi siyaasadeed oo saamayn maskaxeed kaga tagana aan soo marin, awood rabbaaniya iyo indheer garadnimona leh, qabyaalada iyo qadhaabsigana aan baran. isaga iyo dhalinyarada wax baratay ee hanka leh waan jeclaan lahaaa in xilal loo magacaabo. waxaanse ka jeclaan lahaa in xukuumad wada dhalinyara ah oo wada nadiifa la dhiso. waayo tufaax nadiifa hadii lagu dhex rido jawaan ay ku jiraan tufaaxyo qudhmay isna halis ayuu ku jiraa maalmo yar kadib”

COMMENTS
LINKS