Agaasime Waaxeed Madaxweyne Siilaanyo Isku Hayb yihiin Oo Shir Somalia ah Kaga Qaybgalay Magaca Somaliland, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasime Waaxeed Madaxweyne Siilaanyo Isku Hayb yihiin Oo Shir Somalia ah Kaga Qaybgalay Magaca Somaliland,
March 27, 2015 - Written by Editor:

Jabuuti(Wajaalenews) Shir Todobaadkii ina dhaafay uga furmay jabuuti qaarka mida maamul goboleedada Somalia iyo nin sheegtay in uu matalo Somaliland ayaa lagaga hadlayaa khayraadka badaha somaliya.

shirkan oo furmay 22/3/2015 martigalisay dawlada jabuuti iyo haadaya fao ayaa waxa iskugu yimid maamul goboleedada somaliya kuwaasi oo ay somalilandna ka dhexmuuqatay xili ay wadahaladiiba lagu soo kala kacay qorshaha dawlada somalilandna ahaa in ayna marnaba somaliland hor fadhiisan waxloogu yeedhay maamul goboleedada somaliya Arintan ayaa fadeexad iyo lafjab ku ah dawladnimada somaliland iyo rabitaankii shacabka somaliland

Shirkan oo lagag wada hadlayay khayraadka bada somaliya

Wararka xogogaala oo aanu kahelayno shirkan ayaa xaqiijiyay in xukuumada somaliland uu matalayo Agaasimaha waaxda kalumaysiga Axmed Aadan Cali(axmed aadan madoobe) oo ay madaxwayne siilaanyo qoys hoose yihiin islamrkaana haysta awooda siisay in wax ceeb ku ah somaliland in uu si fudud uga qaybgalo iyadoo wararku tibaaxeen in aanay masuuliyiinta wasaradu ka hadal qaybgalkiisa Dawlada jabuuti ayaa iyadu marwalba ku foogan sidi ay khayradka bada somaliand ugu heli lahayd awood ay ku maamusho iyadoo dhabarka saaraysa somaliya

Jabuuti oo dal ahaan isku dhigaysay in ay masuul uga tahay Somaliland iyo Somalia Ururka wadamada bada cas ku midoobeen oo lasheegay in dalkii Somalia la odhan jiray ee imika khariirada caalamka ka maqan uu mar Afweynahii dhacay u wakiishay wadanka jaabuuti oo uu markaa hogaaminayay Alxaaji Xasan Guuleed Abtidoonkii geeriyooday.

Si kastaba ha ahaatee xukuumada madaxwayne siilaanyo ayaa moodaa mudadii ay jirtay in ay ku tumatay qodobo shacabka reer somaliland uga yaalay la kulan amaba shirarka lafjabka ku ah somaliland ee ay la fadhiisanayso maamul goboledada somalia

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS