Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda Oo Beeniyay War Laga Baahiyay Oo Sheegayay Inuu Iscasilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda Oo Beeniyay War Laga Baahiyay Oo Sheegayay Inuu Iscasilay
March 3, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa( Wajaalenews) Qoraal kooban oo uu agaasimaha wasaaradda arrimaha dibeda Mr.Maxamed Xasan siciid na soo gaadhsiiyay Warbaahonta ayaa u dhignaa sidan:

DSC00977

Waxa aan Halkan ku beeninayaa war la iga faafiyay oo ah in aan is casilay. Arrintani waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, mana jirto meel aan isku casilay ama iscasilaadayda kaga hadlay.

Dawlada aan ka mid ahay iyo xilka aan ka hayo labadaba waa aan ku qanacsanahay, waana waajib qaran oo madaxwaynu ii dhiibay ugana mahad celinayo. Haddii Wasiiro dana gaar ah ku qabay Wasaarad aay is casileen, ama uu wasiir diiday in uu tacliinta ubadkeena iyo dhallinyaradeena uu iska casilay kana xanaaqay Maaliyad iyo Lacag laga fogeeyay, waa arrin sumcad xumo ugu filan.

Waxa aan halkan ku cadaynayaa in aanay jirin haba yaraatee Iscasilaada la iga faafiyay.

COMMENTS
LINKS