Abwaan Hadraawi Iyo Saddex Qof Oo Kale Oo Dooxa Dacar Budhuq Laga Badbaadiyay Iyo Gaadhigii Ay Wateen Oo Daadku La Tegay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Hadraawi Iyo Saddex Qof Oo Kale Oo Dooxa Dacar Budhuq Laga Badbaadiyay Iyo Gaadhigii Ay Wateen Oo Daadku La Tegay
March 23, 2015 - Written by Editor:

“Imika Xabaal Baanu Ku Jiri Lahayn Haddii Aanu ILAAHAY Noo Soo Diri Lahayn Dadkii Na Badbaadiyey”Abwaan Hadraawi

Hargeysa (Wajaalenews) – Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo saddex qof oo kale ayaa laga soo reebay Daad marayay Dooxa Weyn deegaanka Dacar Budhuq ee jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Maxamed Ibraahim Warsame iyo xubnaha wehelinayay oo ku sii jeeday dhinaca Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa gaadhigii ay wateen uu la tagay daadku, waxaana dad goobta ku sugnaa ay badbaadiyeen afartaasi qof ee safarka ahaa.

Abwaan Hadraawi oo ka hadlay sida ay uga badbaadeen Daadkaasi ayaa sheegay “Alxamdulilaah waxa aanu ka tagnay Magaalada Hargeysa, waxaanan dul istaagnay dooxa Dacar budhuq oo markaa socday, hadaba markii aanu sidaasi u aragnay ayaanu isla garanay in gaadhiga aanu wadanay oo Landcruiser ahaa uu ka talaabi karo biyahan, hasayeeshee biyaha marayay oo xoog badnaa ayaa nala tagay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku darey “Adeer balanka ILAAHAY hadda xabaal baanu ku jiri lahayn haddii aanu ilaahay noo soo diri lahayn dadkii na badbaadiyay, Alxamdulilaah ilaahay baan ugu mahad celinayaa…Sidoo kale dadkii gurmadka noo fidiyay ayaan iyagana halkan uga mahad celinayaa, Waxaasi uu daadkaasi la tagay Gaadhigii aanu saarnayn”

 

source:hadhwanaag

COMMENTS
LINKS