Xuduudka Somaliland iyo Jabuuti Oo Maalintii 2-aad Xidhan+Badhasaabka Salal Oo Sababeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xuduudka Somaliland iyo Jabuuti Oo Maalintii 2-aad Xidhan+Badhasaabka Salal Oo Sababeeyay
February 22, 2015 - Written by Editor:

Saylac(Wajaalenews)- Xuduudka Somaliland iyo Jabuuti, ayaa maalintii labaad xidhan kadib markii ay soo baxeen warar iftiiminayo arrimo amaan darro. Xidhista xuduudka ayaa saamayn ku yeelatay Nolosha Shacbiga Somaliland ee Galbeedka oo ku xidhnaa Dalka Jabuuti.

BADHASAABKA GOBOLKA SALAL

Xadka waxaa xidhay Dawladda Jabuuti oo la sheegay inay heshay warar sheegaya falal amaan darro oo ku soo foolleh dalka Jabuuti. Dawladda Jabuuti wali war rasmi ah kama soo saarin xuduudka xidhan.

Badhasaabka Gobolka Salal Cabdirisaaq Waaberi Rooble ayaa maanta saxaafadda la hadlay waxaanu xaqiijiyay in xadhiga xuduudku la xidhiidho tuhunno Argagixiso “Xidhista Xadka waanu ka wada soconnaa Dhinaca Jabuuti iyo Dhinaca Somaliland-ba. Waa laga wada socdaa, Wasiirka Daakhiligu waa la socdaa, warar baa jira la leeyahay waxbaa jira, markaas labada dhanba feejignaan baanu galnay” ayuu yidhi Badhasaabku

Badhasaabka oo ka sii hadlaya sababta xadhiga Xuduudka waxa uu intaasi raaciyay “Dalkan amma Mandaqadan Geeska Africa Mushkilad baa ka jirta, Niman Argagixiso ah oo runtii Shadaadiin ah oo wax duminaya oo cidba aan hambaynayn ayaa jira, markaas markasta cabsi fara badan iyo feejignaan baa jirta”

Badhasaabku waxa uu sheegay in hakadka maalintii labaad maraya ee Xuduudku saamayn ku yeeshay Bulshada Reer Somaliland ee Gobolkaasi Salal “Caanaha laga qaado halkan waxaa la geeyaa Jabuuti shalayna way hakadeen, furinka iyo Khudaarta lagu quuto Saylacna waxaa laga keenaa Jabuuti, shalayna way yara hakadeen, taasina noqon mayso mid sii socota insha Allah” ayuu yidhi Badhasaabku.

Wasiirku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa in muddo ah ku sugan Jabuuti, balse waxa uu Badhasaabka Salal sheegay inuu Wasiirku dano gaar ah u joogo halkaasi arrintanina dabadii soo baxday.

Dalalka Jabuuti iyo Ehtiopia ayaa sanadkii hore mar xidhay Xuduudaha kadib markii Qarax laga fuliyay Jabuuti bishii may ee 2014 dadka fuliyay la ogaaday inay Xuduudka Somaliland uga gudbeen. Lama oga ilaa wakhtiga uu xuduudku xidhnaan doono balse dadka degaanka ku xeeran xuudka ayaa si weyn u tabaya xidhiidhkooda Jabuuti oo dhanka ganacsiga iyo arrmaha kaleba ugu xidhan.

 

COMMENTS
LINKS