Xubin Ka Tirsan Xukuumadda Cusub Ee Soomaaliya oo ku Dhawaaqay Inuu Iscasilay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xubin Ka Tirsan Xukuumadda Cusub Ee Soomaaliya oo ku Dhawaaqay Inuu Iscasilay.
February 7, 2015 - Written by Editor:

MUDISHO(Wajaalenews) Xubin ka tirsan galaha wasiirrada ee uu dhawaan ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilka loo magacaabay.

midkamida wasiirada cusub ee somaliya oo iscasilay

Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (c/raxmaan Dheere) oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee Idaacadda Britishka BBC ayaa sheegay in aan lagala tashan xilka loo magacaabay.

Cabdiraxmaan oo xilkaas hore u soo qabtay, ayaa sida uu sheegay ku wargeliyey madaxda dawladda iscasilaadiisa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in habka loo magacaabay aanay la jaan qaadeyn habka awood qeybsiga, wadatashi uu la sameeyey beeshiisana uu go’aansaday in uu xilkaasi iska casilo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa Khamiistii ku dhawaaqay mar kale golihiisa wasiirrada oo ka kooban 68 xubnood.

 

COMMENTS
LINKS