Xoggo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Markabka MV Shaakir Wuxuu Iska Diwaan-Geliyey Lix Dal 10-Kii Sannadood Ee U Dambeeyay” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoggo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Markabka MV Shaakir Wuxuu Iska Diwaan-Geliyey Lix Dal 10-Kii Sannadood Ee U Dambeeyay”
February 8, 2015 - Written by Editor:

Wargeyska Yool Oo Xoggo Kale Oo Xaasaasiya Ka Helay Markabkii Hubka Tahriibinayay

Hargeysa(Wajaalenews)-Sida aadka war-qabtaan intiinii la socotay Wargeyska Yool, waxa Caddadkii Jimcihii Toddobaadkan soo baxay kusoo qaadanay warar iyo xoggo dheeraada Wargeysku ka helay Markabkii Saanadda Milateri xambaarsanaa ee Todobaadkii la soo dhaafay dib uga shiraacday Marsada Magaalada berbera, kuwaasoo ahaa qaar la hal-maala, kadib Berbera, safarka ama Jaan-qaadka cusub ee Markabka MV Shakir, ee taariikh ahaan 03-dii Bishan Xukuumadda Somaliland ka qaaday xayiraadii ay saartay, kadib markii dushiisa laga helay shixnad Hub sharci-darro ah oo uu siday.

doonta lasocotay hubka

Sidoo kale Cadadkaas waxa Wargeysku idiinku soo gudbiyey xog-rasmi ah, oo ku taxa-luqa cidda leh iyo halka dhabta ah ee laga leeyahay Hubka Markabku siday ee ay somalilnd sii daysay.

Haddaba, Wargeyska Yool, isagoo si qoto dheer u daba socda, walina Isha ku haya macluumaadka, dhaqdhaqaaqayadda amuuraha la xidhiidha iyo halka ay sal-dhigato sheekadiisu intaba, waxa aanu qaybtan labaad ee Sheekadda Markabka ku saabsan idiinku beyaaminaynaa, xoggo kale oo Wargeysku ka helay ilo-diblomaasiyadeed oo arimaha Mandaqadda u dhuun-dalloola, kuwaasoo tibaaxay in Markabka MV Shaakir 10-kii sanno ee u dambeeyey uu iska diiwaan-geliyey tiraba Lix dal oo kala duwan, dhanka kalena, waxa uu tiro intaa la mid ah-na beddelay Calanka iyo Magacyada uu kula macaamilayey Dekeddaha caalamka ee uu isaga gooshaayey muddada intaas ku siman.

Sida ay iftiiminayaan tibaaxaha la xidhiidha qaybtani, Markabkan oo hadda ku goosha Calanka dalka Togo, magaca uu Dekeddaha hadda kula macaamilaana yahay “MV Shaakir”, ayaa sida iluhu tibaaxeen Sannadkii 2000-da, waxa uu ku shaqaynayey oo qaatay Magaca MARIO, kaasoo uu caalamka ugu kala safri jiray muddo ku siman Hal-sanno, “markii lasoo gaadhay Sannaddii 2001-dii ayuu hadana beddelay Magacii, waxaanu la baxay MARCO V, kaasoo sida wararku xuseen uu ku shaqaynayey muddo ku siman saddex sanno.”ayey xogtu daboolka ka qaaday.

Waxa kaloo, wararku intaa ku darreen in sannadkii 2004-kii Markabkani uu bedelay magacii iyo calankii uu dunida ku mari jiray, isagoo qaatay Calanka SAINT VINCENT & GRENADINES, oo ah Jasiirad ku taal Woqooyiga America (North America), isagoo sidoo kalena, la baxay Magaca Vessel Name MAAYA I.

Geesta kale, sida xoggaha lagu sheegay Sannadku markii uu ahaa 2008-dii, waxa uu Markabkani mar labaad beddelay Calanka iyo Magacii uu Baddaha ku marayey, waxaanu qaatay Calanka dalka Jordan, halka uu Magaciisana u beddelay AJMAN MAYA.

Dhanka kale, inkastoo illuhu ka gaabsadeen inay xussaan Calanka iyo Magaca uu Sannadihii u dambeeyey Baddaha ku marayey, hadana warar aan sugnayn ayaa tibaaxaya inta la ogyahay inuu ku gooshaayey Magaciisa hadda uu Somaliland ku soo galay ee MC Shaakir 1, iyo sidoo kale Calanka dalka Togo ee uu hadda ku shaqeeyo.

Xoggo kale oo aanu ka helnay ilo-xogogaal ah, ayaa tilmaamay in Markabkan Shaakir uu saaranyahay Mishiin aad u daalay oo baalid ah, kaasoo ah Mishiinka uu ku socdo oo heerka gabowgiisu gaadhay inuu dhimo Xawaaraha uu ku socdo. Masaafo dhan 4NM cabirka Badda, ayuu jaraa Saacadiiba (4NM/H), sida la sheegay Markabkani, taasoo aad uga yar siday xogtu ina tusisay hilaada ay socdaan Maraakiibta dheeraysaa.

Sidoo kale, warar laga soo xigtay meello kala duwan, ayaa tibaaxaya in dhaqamada markabkan lagu yaqaanaa ay tahay in wakhtiyada uu badda ku jiro uu markuu doono ka baxo Sitalite-ka lagu hago Maraakiibta Caalamka, isla markaana uu bakhtiiyo Raadaalkiisa iyo Alarm-ka ay Maraakiibtu shido markay ku xidhanyihiin Dekeddaha.

Ma jirto cid si cad u beyaamin karta sababta uu intaas oo jeer u bed-bedelay Magacyadiisa , uguna kala gudbay calamada dalalkan aynu kor ku xusnay, geesta kalena ugu sifoobay dhaqamada kale ee ay xogguhu tilmaamayaan, hase-ahaatee ku xeel-dheerayaasha marinka Badaha ayaa ku tilmaamaya talaabooyinkaas kuwo sii xoojinaya Shakiga ku gedaaman qaabka uu u shaqeeyo, kuna xidhiidhinaya inuu Argagixisada Caalamka la shaqeeyo.

Marka dib loogu soo laabto hadal-haynta Bulsahda Somaliland ee la xidhiidha Sheekada Markabka, waxa jira laba arimood oo ay aad isu waydiinayaan dadka ku foogan arrintani, kuwaasoo aanay midkoodna lahayn meel dhexdhexaada oo laysugu keeno jawaabahooda.

Isweydiinta koowaad waxay tahay, sababta ay Indhaha uga qarsanayaan ama gacanta ugu dhigi waayeen Markabkaas iyo hubka Khatarta badan ee uu Xambaarsanyahay Qaramada Midoobay iyo dawladdaha quwada Sheegta, siiba dalalka reer Galbeedka ee uu maraykanku hogaaminayo. Isla su’aashaas waxa sii daba taalla mid kale oo ay isku sidkanyihiin, taasoo ah sababta iyo sida uu ku soo dhaafay Markabkani Dekedda Magaalada Djibouti oo sida la rumaysanyahay uu baddeecado ku soo rogay intaanu dhanka Berbera u soo kicitimin.

Arrinta kale ee aadka laysu waydiinayo,waxay tahay xidhiidhka ka dhexeeya Markabkan iyo Kooxaha Budh-cad-baddeeda Soomaalida ee sida la ogsoonyahay bad-weynta Caalamka ka soo afduuba Maraakiibta, kuwaasoo hadii ay ogaadaan inuu siddo hubka baaxadale aan faro la gafeen, si ay uga faa’idaystaan saanadda Dagaal ee saaran.

 

source:wargeyska yool

COMMENTS
LINKS