Xawaaladdaha Soomaalida Ee Maraykanka Oo Xidhmay Kadib Go’aankii Bangiga Maraykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xawaaladdaha Soomaalida Ee Maraykanka Oo Xidhmay Kadib Go’aankii Bangiga Maraykanka
February 7, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews- Dalka Maraykanka waxa dhamaaday wakhtigii kama damabysta ahaa ee uu Bangi Maraykan ah u qabtay in uu ku xidhayo xawaaladaha soomaalida ee ka hawlgala dalkaasi Maraykanka.

xawaalada somalida

Bangiga Merchant waxa uu gacanta ku hayey boqolkiiba 80 xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida, waxaana shaqada joojiyay badiba Xawaaladdaha Soomaalida,halka qaarna safaf loogu jiro fursaddii ugu dambeysay ee Soomaalida Maraykanku lacag ugu soo diraan dadkooda Dhulka Soomaalida jooga.

Bangiga ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo inuu u hoggaasami waayo shuruucda lacagta ee dalka Maraykanka, maadaama shuruuc lagu soo rogay caddaaddis ku saartay arrintan. waxa uu sheegayaa in xawaaladaha soomalida aanay awoodin inay caddeeyaan halka ay ku dambeeyaan lacagaha ay xawilaan.

Xawaaladaha Soomalida ayaa sheegaya in ay u hoggaansamayaan shuruucdan islamarkaana qaarkood haatanba Albaababada loo laabay.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa ka digay in bankiga Merchants Bank of California ee Mareykanka uu xidhiidhka u jaro Xawaaladdaha Soomaalida “Lacagaha daafaha dibadda uga yimaada dad badan oo Soomaaliyeed oo dalka gudihiisa ku nool waxay u tahay naf-badbaadin., walwal weyn ayayna nagu haysaa xawaaladaha ay lacaguhu maraan oo la joojiyo,” ayuu Jimcihii sheegay Danjire Kay

Sidoo kale Xukumadda Somalia ayaa sheegtay in dhaqaalaha bulshada Soomaalida ee gudaha joogtaa ku tiirsan yahay lacaggaha qurbojoogtu u soo dirto sidaas darteedna ay ka welwelsan yihiin natiijada ka dhalan karta xidhista Banigan ee Xawaaladdaha Soomaalida.

 

COMMENTS
LINKS