Xawaaladaha Somalida ee Maraykanka oo Dib loo furayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xawaaladaha Somalida ee Maraykanka oo Dib loo furayo
February 28, 2015 - Written by Editor:

Washington(Wajaalenews)Dawladda Maraykanka ayaa dirista lacago xaddidan dib ugu Ogolaatay Xawaaladdaha Somalia, kadib markii muddo 9 Maalmood ah xannibnaayeen Lacagaha Maraykan looga diro Dhulka Soomaalida.

Dedaalo badan oo Xawaaladdaha Soomaalida,dadka Lacagaha daneeya,Xukumadda Maraykanka iyo hay’addaha gargaarku sameeyeen ayaa la isla Ogolaaday in Wixii Biilal ah loo diro Qoysaska Soomaalida ee Baahida badan u qaba Lacagaha ay Ehelkooda ka helaan.

“Waxaa la isku Afgartay in la diro Lacagaha Yar yar ee baahida joogtada ah, markaa bari laga bilaabo waxaa la furi doonaa xawaaladdaha.waxay ku shaqaynayaan awood xaddidan oo sidii hore looma shaqaynayo ee Lacagaha Biilasha ah ayaa la diri karayaa” ayuu BBC-da u sheegay Cabdicasiis Sugule, oo gudoomiye ka ah urur ay ku bahoobeen xawaaladaha Soomaalida oo la yidhaahdo SAMSA.

Xidhitaanka xawilaaddaha Soomaalida ee Maraykanka ayaa saameyn ballaadhan ku yeeshay noolasha Soomaali badan oo ku nool gudaha dalka, kaddib markii ay waayeen lacagihii ay ehelkooda ka heli jireen.

COMMENTS
LINKS